Somaliland oo ‘ogolaatay’ dalabka MAREYKANKA ee qaxootiga AFGHANISTAN

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mabda’ ahaan ogolaatay inay qaadato qaxooti kasoo jeeda dalka Afghanistan, sida uu Jimcihii sheegay sarkaalka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in Hargeysa ay wada-hadallo la gashay saraakiisha Mareykanka, oo ku saabsan inay si ku-meel gaar ah u marti-geliso qaxootiga Afghanistan.

Mareykanka ayaa Afghanistan ka qaadaya kumanaan qaxooti oo ka cararaya xukunka Taalibaan, kuwaas oo badankood ah dad la shaqeeyey ciidamada Mareykanka iyo ehalladooda.

“Waxaan mabda’ ahaan ogolaanay inaan marti-gelino qaxootiga Afghanistan, si ku meel-gaar ah,” ayuu yiri sarkaalka reer Somaliland ee la hadlay AFP, isaga oo intaas ku daray in heshiiska arrintan ku saabsan uu weli marayo marxalad horudhac ah, ayada oo weli arrimo farsamo ay u baahan yihiin in laga shaqeeyo, sidoo kalena aan taariikh loo goyn waqtiga imaanshahooda.

Haddii qaxootigan la geeyo Somaliland, waxay halkaas joogi doonaan illaa Mareykanka uu ka diyaariyo Visa-ha ay ku galayaan dalkaas, taasi oo qaadan karta bilo ama sanado.

Mareykanka ayaa sidoo kale wada-hadal kula jira Uganda, si ay qaxooti dheeraad ah oo Afgaaniyiin ah u qaadato. Arbacadii ayaa diyaarad sidday 51 qaxooti oo Afgaaniyiin ah ay gaartay magaalada Kampala.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeys ain Kampala ay ogolaatay inay qaabisho illaa 2,000 oo qaxooti.

Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day kana madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee ma haysato aqoonsi caalami ah.

Ma cadda haddii Mareykanka uu arrintan kala hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u arki karta inay xadgudub ku tahay madax-banaanida dalka haddii aan lagala tashan, hase yeeshee Muqdisho ma lahan wax awood ah oo ay ku hor-istaagto qorshahan.