Ciidamada Somaliland oo ‘weeraray’ guriga Coldoon

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo haatan u xiran Somaliland ayaa shaacisay inay saaka aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka trsan maamulkaasi.

Aasiya Faarax oo ah xaaska Wariye Coldoon aya abarteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidamadu ay si xoog ah ku soo galeen guriga, kadibna ay baaris ku sameeyeen.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in ciidamadu ay argagax weyn geliyeen caruurta iyo haweenkii xilligaas ku sugnaa guriga Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

“Ciidan Isugu jira malateri iyo Booliis badan ayaa abaaro 05:00 subaxnimo soo weeraray gurigii Samafale Coldoon, iyagoo argagax geliyey caruurtii iyo haweenkiiba.” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Somaliland ay amar la’aan guriga kusoo daateen, iyada oo ku eedeysay inay baal mareen sharuucda caalamiga ah iyo dhaqanka.

“Intaa waxaa dheer inay guriga bila idin u soo daateen iygoo baal maray xeerarkii caalamiga ahaa iyo tii dhaqanba.” ayey raacisay Aasiya Faarax.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo uu haatan Somaliland u xiran yahay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah,isla-markaana liddi ku ahaa dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey macalimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid deegaanada maamulka Somaliland.