Saameynta heshiiska Turkey, Imaaraadka iyo Itoobbiya ee doorashada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye ka taagan tahay (gobolka Tigray), xadka kala dhexeeya Sudan ay xiisad ka aloolsan tahay, murunkii biyoxireenka Niilna uu isku rogay xulufo uruursi. 

Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Itoobbiya la gashay Turkiya ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddeli doono cudud isku hallaynta Masar. Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan. 

Kol haddii jajuubikii Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Abu Dhabi waxay halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd cudud (hawkish) ku muquuninta, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay.  

Sida uu qoray wargeyska Bloomberg, laba bilood ka hor shirkadda Mubadala Investment ee Abu Dhabi ayaa maal ku dhow bilyan doolar gashatay 3 shirkadood oo Turki ah (Bloomberg – 19/08/2021). 

Dib u hagaajinta xidhiidhkooda ganacsiga iyo maalgashiga ayaa saameyn baaxad leh ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Maal dhan 2.5 bilyan doolar ayuu Turkiga geliyey dalka Itoobbiya.

Wixii ka dambeyay heshiiskii Riyadh iyo Dooxa waxaa muuqday in Imaaraadku ku dhacay go’doon weliba markii Turkiga uu soo jiitay Masaarida iyo Faransiiska oo ay dagaalka Liibiya iskaga soo horjeedeen.

Kulanka lama filaanka ahaa ee Ankara ka dhacay ayaa astaan cad u ah in Turkiga iyo Imaaraadka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan qaadista jiho ka duwan tii hore.

Gulufka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka waxaa sababaya in maamulka Joe Biden uusan mar walba u hilinayn badbaadinta lammaane (partner) shar badan oo aan la isku hallayn karin. Imaaraadka oo kula tartameya Qadar nabaddoonnimada ayaa Itoobbiya iyo Sudan u soo bandhigay dhexdhexaadin.

Reer Galbeedka, oo Imaaraadka u adeegsanayay sida hangoolka, si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ayey qorrax ku soo baxday.

Madaxweyne Erdogan ayaa si taxaddar leh ugu soo jeediyey Janan Cabdel Fattaax Cabdelraxmaan al-Burhan Madaxa Golaha Qaranka Sudan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, taasoo xidhiidhkooda ku soo kordhin doonto isku kalsooni. 

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Kuwait oo gargelyo ka ahayd Abu Dhabi ay ku talisay inay Soomaaliya wadaxaajood la furto Imaaraadka. Walow uusan dadaalkaas najixin, haddana hagaajinta xidhiidhka Turkiga ayaa qayb ka ah ilaalinta danahooda Liibiya iyo Soomaaliya.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021).

Dhinaca kale, xallinta xiisadaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa laga yaabaa inuu daadka raacsiiso riyadii siyaasiyiintii ku xulufoobay calanka Abu Dhabi hoostiisa.  

Saadaasha hor dhac u ah cidda ku soo bixi doonta madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid