Brussels (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray hoggaamiye sare oo ka tirsanaa burcad-badeeda Soomaalida.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Xasan Af-Weyne, waxaana lagu xiray maalintii Sabtidii magaalada dalka Belgium sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online.
Afweyne ayaa bishii January ee sannadkan wuxuu ku dhawaaqay in uu ka baxay howsha burcad-badeeda isagoona sheegay in uu billaabay siddii uga soo bixin lahaa dhallinyarada burcad-badeeda ku jiray.
Si kastaba, war hadda na soo gaaray waxa uu sheegayaa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne waxaa loo dhigay dabin ah in uu ka soo qaybgalo filim looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida laakin sidaas ma ahan in la xiro ayaa la doonayay.
Waxaa doonayay Afweyne booliska aduunka ee Interpol sidoo kale waxaa ku raadjoogay oo dambiyo u heesta dowladdo badan oo ay ku jirto Belgium.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Yurub