Puntland oo hanjabaad culus u dirtay DF Somalia (Maxay Tahay?)

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa si cad ah uga soo horjeestay shir dhawaan ka dhacay Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kaasoo ay soo qaban qaabisay shirkadda Som Oil and Gas, oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiis sahmin shidaal ah oo laga sameeyo dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa lagu martigaliyay shirkado, aqoonyahno Soomaali iyo ajaaniib ah oo si fiican ugu xeel dheer arrimaha shidahaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shirre oo ka hadlaayay shirk ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsaneen wax yaabaha looga hadlay shirkaas isla markaana ay cid kasta oo ay u aragto in ay shidaal ka soo saari karaan deegannadooda ay si madax banaan heshiis ula sameen san karaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala fogeynaayo ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku eedeeyay in wax badan ka badaleen dastuurka kumeel gaarka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Kheyraadka Puntland ayaa isna ku cel-celiyay in Puntland ay mar hore ay ka tashatay dowladda fedaraalka Soomaaliya isla markaana ay heshiis lagaleen shirkado shidaalka ka baaraya deegannada Puntland.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ku tilmaamay shirkii London mid aan wax badan laga sugeynin maadama uu gaar u ahaa dowlada Soomaaliya isla markaana xaq u lahayn in ay heshiis la gasho shirkad shidaalka sahmiya.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo lagu arko iyagoo shidaal ka sahminaya deegannada Puntland haddii ay yihiin madaxda dowadda fedaraalka iyo shirkadda ay heshiiska lagaleen in laga qaadi doono tallaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com