Hoobiyeyaasha Muqdisho qaarkood oo ku dhacay guriga lamaane aroos ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) –Weerar hoobiyeyaal ah oo xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab ayaa geystay khasaare xoogg badan, ayada xiliga ay madaafiicda hoobiyeyaasha dhacayeen uu dhanka kale socday weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat.

Lamaane arooskooda cusub yahay ayaa ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi oo xalay 3-dii habeenimo bilowday, waxaana sariirtooa buuxiyey dhiig ka dhashay dhaawacyada soo gaara.

Lamaanaha oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray hoobiyaha kusoo dhacay sariirtooda ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo wax ka qabashada xaaladooda.

Sidon kale, tiro dad gaaraya 20 ayaa dhaawacyo kasoo gaareen madaafiicdaasi, iyadoo la sheegayo in labo qof oo dhaawacyadooda hails ahaa ay ku u dhinteen.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad hoobiyeyaasha, hase ahaatee waxaa horay looga bartay kooxda Al-Shabaab inay magaalada Muqdisho xaafadaheeda ku garaacaan hoobiye iyo madaafiic kale.

Weeraradan ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.