Kooxda weerertay hoteel Xayaat oo adeegsatay xeelad dheereysay in lasoo afjaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli jug xooggan iyo rasaas ay ka dhex dhacaysaa gudaha hoteel Xayaat oo xalay ay gudaha u galeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, weerarkaasi oo sababay dhimashada in ka badan 15 qof iyo dhaawaca 30-meeyo.

Weerarka oo soo afjaristiisa dheeraatay ayaa waxaa u sabab ah kooxda weeraray ee gudaha u galay oo hub fara badan oo miinooyin u badan, kuwaas oo ay dhigeen gudaha hoteelka.

Miinooyinka ayaa qaarkood lagu soo cabeeyey caagagta saliidda, waxaana la dhigay gudaha hoteelka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Maleeshiyada gudaha hotelka ku jira ayaa adeegsanaya qaraxyadaasi marka ciidamada amniga ay usoo dhawaadaan kadibna qarxinaaya, taasoo keentay in 20 saacadood uu socdo weerarka.

Weerarkaan oo noqday kii ugu cuslaa uguna khasaare badnaa ee dhaca tan iyo markii ay dhalatay dowladda cusub ayaa waxaa durba bilowday eedeymo loo jeedinaayo hay’adaha amniga dowladda oo ah inay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga.

Dhinaca kale, waxaa xalay xaafado ka tirsan Muqdisho lagu garaacay hoobiyeyaal kaasoo sababay dhaawacyada dad rayid ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaan oo ay ku dhinteen dad isugu jira ganacsato, shacab iyo xubno u shaqeeya dowladda.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir Muxuddiin Warbac Shadoor oo qarax lala eegtay xili uu usoo gurmanayay weerarka hotelka Hayaat.