Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay weerarka Hotel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan la’ inay soo afjaraan weerarkii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo soo gaaray dadkii daganaa Hotelka iyo kuwa kale oo ku sugnaa meelo u dhow Hoteelka. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas ku geeriyooday illaa 18 qof halka uu dhaawac intaas ka badan yahay.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa warbaahinta u sheegay in Isbitaalka lasoo gaarsiiyey illaa 40 qof oo dhaawac ah, waxaana sidoo kale jiro dhaawacyo kale oo la geeyey Isbitaalada kale ee ku yaalo magaalada.

Dagaalyahano lagu qiyaasay illaa 4 ayaa weli la rumeysan yahay inay ku jiraan gudaha Hotelka, waxaana burburay qeybo badan oo kamid ah Hotelka kadib markii ciidamada dowladda ay ku garaaceen hubka culus.

Hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyey dad aad u badan oo ay ku jiraan carruur iyo haween, waxaana suuragal ah inay weli jiraan dad kale oo ku go’doonsan Hotelka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weli gacanta ku heyso Hotelka isla markaasna ay iska caabisay dhowr jeer oo ay ciidamada dowladda isku dayeen inay Hotelka la wareegaan.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.