28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Hooyo iyo sadexdeeda gabar oo si arxan darro ah loo dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kadib markii si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Dilkan argagaxa leh oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Marcaanyo, oo hoostagta deegaanka Xiindheere, iyaga kadib goobta ka baxsaday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Allaha u naxariistee marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.

Sidoo kale wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka uu dilku ka dhacay ayaan haatan mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in xiisad xooggan oo ka dhalatay dilka dadkaas ay ka taagan tahay halkaasi.

Dhan kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Galmudug iyo ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu beegsaday dadkaas isku qoyska ah.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Indhowaanahayaan ayaa waxa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan, kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

- Advertisement -

Read more

Local News