Riyaad (Caasimada Online) – Hooyo Carabo Cabdiraxmaan Cali oo kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ay ku dhibaateysan yihiin dalka Sacuudiga ayaa ka hadashay xaaladda wiilkeeda oo ay sheegtay inay kasoo korortay xaalad halis ah.
Hooyo Carabo Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamuud Cali uu kamid yahay 45 wiil oo lagu xukumay Sacuudiga, iyada oo la dilay mid kamid ah wiilasha la xukumay.
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in haatan ay soo gaartay in Cabdulqaadir oo curad u ah iyo wiil kale lagala baxay xabsiga Najraan, loona sheegay in la daldalayo.
“Iminka waxaa nasoo gaartay in wiilkeyga iyo wiil kale lagala baxay xabsiga, waxaana naloo sheegay in la dili rabo” ayay tiri Hooyo Carabo Cabdiraxmaan Cali.
Waxaa kale oo ay farriin culus u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu baaqday inay soo badbaadiyo wiilashaasi ku dhibaateysan gudaha Sacuudi Carabiya.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Dowladda Federaalka ay waddo dadaallo dheeraad ah oo ay kusoo dayneyso maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka, Sacuudiga, waxaana qorshahaasi wada Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdweli Xirsi Cabdulle oo kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha gobolka Najraan, Mudane Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis.
Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Sacuudiga. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada gobolka Najraan, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa arrintaasi.
Taliyaha xabsiga gobolka Najraan ayaa isna kulanka goobjoog ka ahaa, taasoo sare u qaadday muhiimadda kulanka.
Qunsulka ayaa caddeeyay in kulanku uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana lagu lafa-guray fursadaha sharciyeed ee u bannaan si loo sii daayo ama loo cafiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee xiran.
Si kastaba, Soomaalida ku xiran Sacuudiga ayaa isugu jira qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la horgeynin.