Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aya waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xudur, kaas oo lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Abal ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa khawaarijta uu yahay “Goofoow” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu daabacay warbaahinta qaranka.
“Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 21 kiiloomitir dhanka koonfur bari u jira magaalada Xudur, ayaa lagu beegsaday horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa khawaarijta uu yahay “Goofoow”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaha la dilay uu argagixisada u qaabilsanaa deegaanka Abal, uuna yahay maskaxda dambeysa weerarada ay halkaas kasoo abaabusho kooxda.
“Horjoogahan la dilay ayaa ahaa mas’uulka saldhigga kooxda ee deegaanka Abal, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheeya weerarrada argagaxisada ee lagula kacayay shacabka gobolka Bakool.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa ku soo furtay qoraygii iyo boorsadii uu watay horjoogaha la khaarijiyay, taas oo ay ku jireen dukumiintiyo iyo qalab kale oo muhiim ah.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ayaa xoojiyay howlgallada ka socday gobollada Baay iyo Bakool, waxaana ahayd dhawaan markii duleedka Baydhaba lau dilay laba horjooge iyo ilaaladooda oo lagu weeraray aagga deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay.
Howlgalkaas oo isna guuleystay ayaa waxaa lagu dilay horjoogihii dhanka maaliyadda Al-Shabaab ee aaga Daynuunaay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yaxye, afgarashadiisuna ay ahady Abuu Khaalid, sidoo kale waxaa lala dilay ku xigeenkiisii iyo rag kale oo ilaalo u ahaa, kadib markii ay dul tageen ciidamada huwanta ee weerarka qaaday.


