Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen tuulada Farsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan ayaa lagu beegsaday horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ilaaladiisa. Horjoogahan oo lala dilay saddex ilaaladiisa ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka qaraxyada.
“Horjoogahaan oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu halista badan kooxda. Sidoo kale, waxaa lagu khaarajiyay saddex maleeshiyaad oo la socday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkan uu ka mid ahaa xubnaha ugu khatarta badan ee kooxda, isla markaana uu door weyn ku lahaa qorsheynta weeraro qaraxyo ah oo shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeelleeyay.
Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, qaraxyada uu maamulayay horjoogahan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac culus oo soo gaaray dad rayid ah.
Howl-galkan ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada xoogga dalka ay ku xoojinayaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Sh/Hoose.
Waxa uuna imanaya xilli ay hoos u dhaceen howl-galladii tooska ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda, kaas oo iska garabsanayeen ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ee Macawisleyda