25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Horjooge sare oo xilal dhowr ah ka soo qabtay Al-Shabaab oo la dilay + Magaciisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xooga Dalka ayaa ku guuleystay inay howl-gal qorsheysan ku dilaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Xuseen Macallin Xasan, sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Horjoogahan la dilay ayaa kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, wuxuuna ka mid ahaa madaxda sare ee sida weyn loo raadinayay.

Intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab waxa uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Ninkan la khaarajiyay (Magaalabeen) ayaa kooxda ka soo qabtay jagooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

  • Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
  • Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool
  • Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada labada Shabeelle iyo Hiiraan.
  • Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dowladda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka.

“Dilkiisu ayaa caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda waxay bogaadineysaa howl-gallada ciidanka xoogga dalka, iyadoo xaqiijisah in howl-gallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, isla markaana la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News