26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Horjoogihii Al-Shabaab u gacan geliyey Faransiiskii laga afduubtay Saxafi oo la qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee shalay gudaha u galay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka afduubyada Ajaanibta.

Horjoogahaan Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka ajaanibta ayaa waxaa looga cararay Magaalada Camaara oo Al-Shabaab ay shalay isaga baxeen markii ay ciidamada Dowladda oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka aad ugu soo dhawaadeen.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Jabriil Saciid Cali Saciid ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii uu hoggaaminayey Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiisha ciidamada dowlada.

Jabriil ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduubka ajaanibta arrimaha samafalka u yimaada Soomaaliya oo uu u gacan gelin jiray kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood lagu soo daayey madax furasho halka qaar kalana weli lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Shabakadda Caasimada Online, Jabriil iyo nin kale oo la socday oo saarnaa gaari ayaa lagu qabtay gudaha Magaalada Camaara, waxaana ninkaan markii ugu war dambeysay lagu ogaa Magaalada Xarardheere oo saldhig u aheyd.

Jabril ayaa loo heystay inuu ka danbeeyeyy afduubka laba Saraakiil oo Faransiis oo sanadkii 2009 lagala baxay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, xilli ay dowladii kumeel gaarka ahayd u tababari lahaayeen ilaalada Madaxtooyada.

Weli Xog faahfaahsan lagama heli qaabkii ay Ciidamada Dowladda ugu suurta gashay inay gacanta ku dhigaan horjoogahaan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayo diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayen muddooyinkii ugu dambeeyey.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxay kaabiga ku hayaan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa inay hadda bilaabeen inay isaga baxaan magaalada maadaama ay kusoo wajan yihiin ciidamada Dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News