Xamar: Dad badan oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgallo dad badan lagu qabqabtay ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshid.

Howgallada oo ay wadajir u sameenayeen ciidamada dowladda iyho kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay gurri ka gurri u galayeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa ku soo warramaya in sidoo kale ciidamadu ay baarayeen gaadiidka iyagoo gudaha u galayay qaar ka tirsan guryaha ay ka shakiyaan.

Lama xaqiijin tirada dadka lagu soo qabtay howlgalka oo  qeyb ka ahaa howlgallo lagu sugayo ammaanka caasimadda, kuwaas  oo maalmihii la soo dhaafay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadka howgalka lagu soo qabqabtay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID- waxaana halkaas la arkayay qaar ka mid ah ehelada dadka la soo qabqabtay oo hor taagan xarunta kuwaasoo ka walaacsan dhallinyarada al soo qabtay.

Ma jirto cid ka hadashay howgalka saakay ka dhacay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com