Buulo-burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta ka dhacay deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana sii xoogeystay howlgalka, kadib markii uu deegaanka gurmad geeyay Taliyaha Xoogga dalka.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu yimid kadib markii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaankaas oo ay shalay ay qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka oo maalin kadib ku laabtay markii ay Al-Shabaab soo galeen halkaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab, welina ay ku sugan yihiin gudaha deegaanka.
Sidoo kale waxaa maanta halkaasi gurmad ahaan ku tegay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage iyo ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay dhinaca gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo xoojiyay ciidamadii horay u joogay deegaanka Aboorey.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan lagu dagaalamayo.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dwladda dhexe ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Yasooman oo u dhaw Aboorey, si loo sii xoojiyo howlgallada socda.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay isla deegaanka Aboorey, kaas oo ay rogaal celis ah usoo qaadeen Al-Shabaab oo mar kale la jabiyay, waxaana halkaas xalay ku hoyday ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo maanta iska difaacay Al-Shabaab.
Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo dib isaga laabtay, kadib markii ay ku guul dareysteen weerarkii rogaal celiska ahaa ee ay mar kale ku soo qaadeen deegaankaasi.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Aboorey ka socday dagaallo qaraar, waxaana sidoo kale dul wareegayey diyaaradaha dagaalka, balse halkaas kama dhicin wax duqeyn ah, sababtana waxaa lagu sheegay in daruuro xoog leh ay jireen oo Roob uu cirka soo galay.
Duqeymaha la fulin waayey ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayey ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.
Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Qaranka ee aaggaas jooga, balse cashir ayaa loo dhigay maanta.