Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu noqon doono mid si buuxda iskaga filan warshadaha milateriga, isagoo xusay in Turkigu uu iskii u soo saari doono diyaaradaha dagaalka, taankiyada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ayadoo uu maalintii lixaad socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.
“Waxaan kor u qaadnay heerka wax-soo-saarka gudaha iyo kan qaran oo aan ka qaadnay 20% islamarkaana gaarsiinay 80%, waxaana sii laba jibbaari doonnaa dadaalladaas,” ayuu Erdogan ka sheegay kulan baarlamaan oo uu la yeeshay xisbigiisa AKP (Justice and Development Party).
“Waxaan ku socon doonnaa si samir, adkaysi iyo kalsooni leh, annagoo qaadayna tallaabooyin xisaabsan, si aan u gaarno yoolkeenna ah madax-bannaani buuxda oo dhanka difaaca ah,” ayuu sii raaciyay.
Isagoo ka hadlayay xiisadda gobolka, gaar ahaan weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Erdogan wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka Turkiga ay heegan sare ku jiraan, islamarkaana ay diyaariyeen qorshayaal degdeg ah oo wax looga qabanayo halis kasta oo dhici karta.
“Waxaan gaarsiin doonnaa awooddeena celinta heer ay cidina na weerari karin, kana fikiri karin in ay naga hor timaaddo,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in dhowaan la dhameystiray mashaariic badan oo difaac qaran ah, oo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca cirka, maraakiibta dagaalka, gantaallada riddada-dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, iyo helikobterada.
“Argagixiso dowladeed”
Erdogan wuxuu weerarka Israa’iil ee Iran ku tilmaamay “argagixiso dowladeed,” isagoo eedeyn culus dusha uga tuuray dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kuna dhaliilay in ay jebinayso xeerarka caalamiga ah iyo sharciga.
“Waa arrin sharci ah, dabiici ah, isla markaana xaq u ah Iran in ay isdifaacdo marka ay wajahdo gardarrada Israa’iil,” ayuu yiri Erdogan. Wuxuu xusay in weerarradaasi ay dhaceen xilli ay socdeen wada-xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka Iran.
Kadib shirkii Golaha Wasiirrada ee Isniintii, Erdogan wuxuu sidoo kale shaaciyay in Ankara ay dardargelinayso wax-soo-saarka gantaallada dhexe iyo kuwa riddada fog si ay u gaaraan heer aan la soo haweysan karin oo wax ku ool ah.
Devlet Bahçeli, oo ah hogaamiyaha xisbiga qaraniga ah (MHP) iyo xulafo muhiim ah u ah Erdogan, ayaa Talaadadii ka digay qorsheyaal istiraatiiji ah oo Israa’iil ka damacsan tahay gobolka. Wuxuu ku eedeeyay Tel Aviv in ay ujeeddadeedu tahay in la go’doomiyo Turkiga siyaasiyan iyo militari ahaanba.
Tan iyo markii Israa’iil ay todobaadkii hore bilowday weerarka ay ku qaaday Iran, Erdogan wuxuu wacay dhowr hoggaamiye oo gobolka ah — oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Iran, Mareykanka, iyo Ruushka — isaga oo ku adkaysanaya in diblomaasiyaddu ay tahay waddada kaliya ee lagu xallin karo khilaafka.
“Turkigu ma lahan damac dhuleed”
Arbacadii, Erdogan wuxuu mar kale caddeeyay in Ankara aysan wax damac ah ku haynin dhulalka dalalka deriska ah. “Annagu dhib kama qabno madax-bannaanida iyo xornimada dal kasta,” ayuu yiri. “Cidna yaysan isku daynin inay na tijaabiso, naga hor timaaddo, ama ay dulqaadkeenna imtixaan ku sameyso.”
Intii lagu guda jiray dhamaadka asbuuca, Erdogan wuxuu Madaxweyne Donald Trump u sheegay in wadahadallada barnaamijka nukliyeerka Iran ay yihiin fursadda kaliya ee nabadeed. Wuxuu sidoo kale Turkiga u soo bandhigay inuu door fududeeye ka qaato dadaallada nabadda.
Ilo-wareedyo ku sugan Ankara ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Turkiga la geliyay heegan buuxa, iyadoo dowladda Turkigu ay qabatay shirar amni si loo qiimeeyo khataraha ka dhalan kara fiditaanka dagaalka Israa’iil iyo saamaynta uu yeelan karo gobolka.
Intii lagu guda jiray wicitaan uu la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenka Suuriya Ahmed al-Sharaa, Erdogan wuxuu ugu baaqay in Suuriya aysan ku lug yeelan iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil, islamarkaana ay si dhow ula socoto khataraha argagixisada iyo weerarro kale oo suurtagal ah.

