28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Howlgalka Soomaaliya oo ka baxay quustii kadib markii uu helay malaayiin dollar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ansixiyay lacag dhan €75 milyan oo lagu taageerayo howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo markale muujiyay doorkooda hoggaamineed ee taageerada howlgalada uu Midowga Afrika ka wado qaaradda.

Deeqdan cusub ayaa xoojinaysa dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo weli u baahan iskaashi caalami ah.

Taageerada Midowga Yurub ayaa kusoo aadeysa xilli howlgalka uu wajahayay culeys dhaqaale. Howlgalkaan ayaa laf-dhabar u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Taageeradan ayaa sidoo kale ka dhigaysa wadarta guud ee Midowga Yurub uu ku bixiyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku dhowaad €2.8 bilyan, tan iyo markii la bilaabay taageeradan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Midowga Afrika, Javier Niño Pérez ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta ballanqaadyadii lagu gaaray shirkii AU–EU ee ka dhacay magaalada Luanda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac.

“Midowga Yurub mar kale wuxuu caddeynayaa inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo. Waa muhiim in la xoojiyo amniga dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Pérez, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogtaynta taageerada.

Dhankiisa, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye ayaa si diirran u soo dhoweeyay taageeradan dhaqaale, isaga oo sheegay inay wax weyn ka tari doonto howlaha howlgalka AUSSOM.

Adeoye ayaa sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka, isagoo xusay inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Iskaashigan u dhexeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah, kuna dhisan ajendaha horumarineed ee Afrika ee 2063, kaas oo hiigsanaya qaarad nabad ah, barwaaqo ah oo isku filan.

Dhanka kale, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadda iyo amniga Afrika iyo saameynta sii kordheysa ee colaadaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dhinac, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu wajahayo khataraha amni ee ka jira Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News