Howlgalka ka socda gobolka HIIRAAN oo xoogeystay iyo ciidanka oo dhaqaaqay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in weli ciidanka dowlada ay howlgallo ka wadaan gobolkaas oo ay kula dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab oo todobaadkaan weeraro culus ka geystay halkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka , qaybta 27-aad ayaa maanta ka dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burde waxayna isku fidiyeen deegaanno dhaca duleedka degmadaas, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay hawada ka saareen isgaarsiintii deegaannadaasi, maadaama uu socda howlgal culus & abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay gaareen deegaannada kala ah Ceemoy, Dhagax Yaalle, Kilad Gubadley iyo Ceelka-dabyoole.

Sidoo kale ciidamada ayaa burburiyey doomo ku xirnaa wabiga Shabelle, kuwaas oo ay sheegeen in ay isticmaali jireen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ah.

Ujeedka howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa halkaasi, looguna hortegi lahaa weerarada ay ka fuliyaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Macawiisley ayaa iyaguna dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada dhanka degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay ka dhaceen iska hor imaadyo xoogan.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u ckiran, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor ay Al-Shabaab dad shacab ahaa ku leysay duleedka Beledweyn, kadibna ay gubtay gawaaridii ay la socdeen.