Howsha ugu muhiimsan ee guddoomiyaha gobalka Banaadir

Waa maxay howsha aan ka filayo in uu qabto Guddoomiye Taabit (Raaligalin: Ma hubo sida magaciisu uu u qormo)? In uu badelo Guddoomiyayaasha degmooyinka miyaa? Maya. In uu maqaamka Xamar kala hadlo Wasiirka Dastuurka iyo Dr. Cabdi Weli Gaas miyaa? Maya. In uu qabanqaabiyo banaanbaxyada dowladda miyaa? Maya.

Waxaa ii muuqata in howl maalmeedka dowladda federaalka iyo tan maamulka Gobolka Banaadir (ama Benaadir) ay isku qasmeen. Waxaan jeclaystay in aan qormadan ku iftiimiyo howsha aan ka filayo in uu qabto maamulka Gobolka Banaadir (waana iga wax tusaaleyn). Howsha ugu muhiimsan ee laga rabo Guddoomiye Mudane Taabit iyo kooxdiisu waa in ay soo dhisaan qaab maamul magaalo oo wax ku ool leh (effective city administrative structure) oo ka kooban 4 heer: Heer Tabeele, Laan, Xaafad, iyo Degmo. Waxaa ila quman in howsha maamulka Gobolka ay hoos ka soo bilaabato oo ay kor u socoto ilaa Guddoomiyaha Degmada. Ma qabo in laga bilaabo howsha magacaabid guddoomiyayaal. Sidoo kale ma qabo in maqaamka magaalada Muqdisho lagu dhameyn karo shirar ka dhaca Hotel Global. Waxaa ila quman in Guddoomiyuhu:

  1. Uu soo dhiso guddiyada Tabeelayaasha, Laamaha, Xaafadaha, iyo Degmooyinka,
  2. Qeexo shaqooyinka guddiyadaas iyo nidaamki ay ku howlgeli lahaayeen, iyo
  3. Diyaariyo miisaaniyaddi ay guddiyadu ku shaqeyn lahaayeen

Waxaana weliba ila fiican in guddiyadaas ay iyagu doortaan madaxdooda. Taas waxay ugu dambeynta keeni doontaa in la doorto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Maxaa keenay in markasta oo dowladda federaalku isbadesho in maamulka Gobolka Banaadir isna la badelo? Waxaan qabaa in la sameeyo Maamul joogta ah oo ka madax banaan shaqsiga iyo isbadelka madaxweynaha waana howsha ugu muhiimsan ee hortaal Guddoomiye Mudane Taabit. Howshan uma baahna shir ka dhaca Hotel Global ama la tashiyada Dastuurka iyo ogolaashaha dowladda federaalka. Waa howl maamul oo uu Guddoomiyuhu awood u leeyahay. In Gobolka Banaadir uu la mid noqdo 17kii Gobol ee kale oo uu Baarlamaanka Federaalka wakiilo ku yeesho waa arrin kale oo u baahan halgan. Waxaa sababay in Madaxweynuhu magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir/Duqa Magaalada iyo in dadka degan Xamar aysan dooran wakiilo lix nin iyo Ambassador Mahiga oo ku Shiray Garoowe. Dadka degan Xamar waxba lagama weydiin arrintan. Haddana waxaa muuqata in “dowladda” laga sugaa sidii ay dadka Xamar jooga ay u dhaqmi lahaayeen. Sidaas waa hogaan xumi.

Ha loo istaago in awoodda maamul ee Gobolka Banaadir la baahiyo oo la gaarsiiyo Tabeelaha, Laanta, Xaafadda, iyo Degmada. Waa gardaro in ninkasta oo la magacaabo uu howl ka dhigto in uu badelo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qore: Dr. Nuune Cali Yare
fmsec6@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid