HRW oo ku baaqday in la sii daayo wariye ku xiran Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la sii daayo wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo hadda ku xiran magaalada Muqdisho.

Aggaasimaha guud ee bariga Africa HRW Daniel Bekele ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay sii daayaan wariye Cabdi Casiis iyo haweeney kuwaasoo oo loo heesto kiis ku saabsan kufsi loo geestay mid ka mid ah dumarka ku nool meelaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho.

“Dowladda cusub ee Soomaaliya waa in ay hubanti ka dhigto ciidamada booliska in aysan xad gudub kula dhaqaaqdo dadka rayidka ma ahan in ay qayb ka noqdaan dhibka waa in ay qayb ka noqdaan xalka” ayuu yiri Mr. Bekele.

Bishan 10-keedii ayaa hey’adda dambi barista ee dowladda Soomaaliya oo loo soo gaabiyo CID-da waxa ay u yeertay wariye Cabdi Casiis Koronto, kaasoo uu yeeray Gen: Cabdulaahi Xasan Bariise, kaddib markii uu ka wacay taleefon ay lee dahay haweeney la sheegay in ay kufsadeen rag xiran dharka ciidamada dowladda.

Wariyaha ayaa loo heestaa wareysi uu la yeeshay haweeneydan oo sheegtay in ay kufsadeen askar ka tirsan dowladda.

Warka laga sameeyay haweeneyda ayaa baahiyay TV-ga caalamiga ee Al Jazeera taasoo ay ka carootay CID.

Sidoo kale hey’adda CID waxa ay su’aalo weydiisay dhowr suxufiyiin kale oo ay ka mid yihiin Wariyaha qaybta carabiga Al Jazeera, Cumar Faaruq, iyo Tifaftiraha radio Simba Cabdicasis Maxamed Diiriye, kaasoo hal habeen ku xirnaa xarunta sirdoonka.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu meel fagaaro ah ka sheegay in wax la qaban doono dhibaatooyinka suxufiyiinta iyo dadka rayidka loo geesto.

Bekele ayaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu ka dhabeeyaa waxyaabihii uu horrey u ballan qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairob