Qisadii Xamnah Bint Jaxsh Bin Ri’aab

Waxay kamid ahayd dumarkii saxaabiyaadka ahaa ee cibaadada badnaa, waxay la dhalay saxaabo aad uga dhawaa Rasuulka (NNKH), xagga maxabbada iyo kal gacalka.

Gabadhani waxaa dhashay mid kamid ah eeddooyinkii Rasuulka (NNKH), taasoo la oran jirey Umaymah bint Cabdilmudallib, lana hooyo iyo la aabbo ahayd nebiga (NNKH) aabbahiis Cabdillaahi.

Inkastoo ay dhashay gabadh Haashimiyad ah, haddana Xamnah ma aanay ahayn Qureeshiyad, balse waxay ka dhalatay reerka la yiraahda Asad bin Kinaanah.

Inaayadeedu waxay ahayd Xamnah bint Jaxsh bin Ri’aab bin Yacmur bin Sabrah bin Murrah bin Kathiir bin Ghanam bin Dawdaan bin Asad.

Waxay isku jifo ahaayeen asxaabta kala ah, Shujaac bin Wahab, iyo Cukaasha bin Muxsin, iyo kuwo kale oo badan oo kamid ahaa muhaajiriintii labada hijra.

Waxay lahayd walaalo badan, oo dhammaantood noqday saxaabo kamid ahayd asxaabtii ugu horreeysay ee Islaamta, Xamnana safka hore ayay kaga jirtay rumeynta risaaladii uu la yimid Muxammadul Amiin ibnu Cabdillaahi (NNKH).

Walaaladeedu waxay kala ahaayeen

1. Amiirkii kowaad ee Islaamka, Cabdillaahi bin Jaxshi, wuxuu ku shahiiday dagaalkii Uxud, wuxuuna kamid ahaa asxaabtii uu Rasuulka aadka u jeclaa, misna kuwii ugu horreeyey ee rumeeyey nebiga (NNKH), ee dar Ilaahay u haajiray labadii hijra.

2. Zaynaba bint Jaxshi xaaskii nebiga (NNKH), waxay ahayd mid cibaado badan oo soon iyo saddaqa badan. Rasuulka (NNKH), markuu dhimanayay wuxuu xaasaskiisii ku yiri ”Tiinnii ugu gacan furan (saddaqo badan), waa midda ugu horreysa ee iga dabaiman doonto”. Zaynab ayay ahayd middii ugu saddaqada badneyd, ee ugu horreysay ee nebiga (NNKH), ka daba dhimatay”. Zaynab waxaa horey usoo goorsaday Zayd bin Xaarith, saa markuu furay baa Ilaahay uu toddobada samo kasoo guuriyey oo u guuriyey nebigiisa (NNKH), waana gabadha keliya ee nebi Muxammad (NNKH) aanay ehelkeeda u guurinin.

3. Abuu Axmed Cabdu bin Jaxshi oo indhool dariir ahaa, kana mid ahaa muhaajiriintii ugu horreysay ee Alle dartii u hijrootay.

4. Ummu Xabiibah bint Jaxsh oo ahayd xaaskii Cabdiraxmaan bin Cowf.

5. Cubaydullaahi bin Jaxshi, wuxuu Islaamay horraantii dacwada diinta Islaamka, wuxuuna qabi jirey gabadhii Abii Sufyaan, Ummu Xabiibah Ramlah bint Abii Sufyaanm waxayna iskula haajireen dhulka Xabashida. Laakiin wuu ka riddoobay diinta oo noqday Nasraani, illaa uu halkaasi ku bakhtiyey. Ummu Xabiibah mar dambe waxaa guursaday nebiga (NNKH).

Xamnah iyadu waxaa guursaday saxaabi kamid ahaa asxaabtii uu ugu jeclaa Rasuulka (NNKH), waa Muscab bin Cumeyr. Wuxuu ahaa Muscab mid kamid ahaa dadkii ugu ladnaa magaallada Makkah, hooyadiis waxay ahayd haweeney maalqabeen ah, dharka xariirta ayay u xiri jirtay, cunta midduu jeclaysta ayay siin jirtay, saa hablaha reer Makka ay tamannin jireen Quruxdiisa iyo heybadda ka muuqan jirtay wiilkaasi yar.

Wuxuu ahaa mid dharka xariirta isu kala badbaddalo, nolasha uu kujiray waa yarayd nin dhalinyara ah oo ku jiray xilligaasi.

Maalintuu Islaamay ayay hooyadiis ka jartay nafaqadii, dharkiina u diidday, markaasuu mara calal yar ah oo jeexjeexan uu xiran jirey, sidii loo ciqaabi jirey, marna ma dhicin inuu ka laabto diinta Islaamka. Wiilkii quruxda badnaa wuxuu noqday weyti caato ah oo lafihiisii iyo haraggiisii ay isku dhageen. Nebiga ayuu iska ag fadhin jirey intii Makkah la joogay, markiina loo hijroonayay Xabashida. Wuxuu damcay inuu la hijrooda saxaabada, laakiin waala xabbisay, oo hooyadiis ayaa ku dhejisay xarig aad u adag.

Nebigu (NNKH) wuu la murugooday xaalladda Muscab, markaasuu amray asxaabtiisii inaanay hijroonin oo ay sugaan inta Alle Muscab faraj u furaya. Habeenkii buu soo jabsaday xariggii oo uu u yimid Rasuulk asagoo moodaya in raggii ay baxeen. Markaasaa Nebigu (NNKH) uu kexeeyey oo uu u geeyey kadibna sogootiyey asagoo macaanaqeynaya.

Nebigu (NNKH) aad buu u jeclaa Muscab, wuuna ilmeyn jirey markuu arka. Maalin waxaa dhacday Nebigu (NNKH) oo saxaabadiisa la fadhiya wuxuu arkay Muscab oo mara jeexjeexan sita oo dhinaca Nebigu (NNKH) fadhiya, markaasuu Nebigu (NNKH) yiri ”Wallaahi waxaan arki jirey ninkan oo wiil ka qurxoon aanu Makkah jirin, oo dharka uu sita dhar ka qurxoon aanay Makkah ool, habluhuna ay tamannin jireen, saa wuxuu ka doortay waxaasoo idil Alle iyo Rasuulkiisa, maantana waa kan marada jeexjeexan sita, oo sidan u baaba’ay”. Kadibna wuu ilmeeyay Nebigu (NNKH), asxaabtiina way la wada ilmeeyeen.

Muscab wuxuu ahaa safiirkii kowaad ee Islaamka, wuxuu Rasuulku (NNKH), u doortay intuu noolaa inuu noqdo ninkii calanka Islaamka qaadi lahaa. Dagaalkii Bader asaga ayaa siday calanka Islaamka. Kii Uxudna sidoo kale saa maalintii Uxud ayaa la diley. Waxaa la waayay maro lagu kafano, saa caleemo geed iyo calal yar oo uu sitay lagu kafanay.

Ninkan fadliga badan ayay Xamnah nasiib u yeelatay inay guursato. Saa maalintii Uxud markay saxaabadii soo laabteen, baa lagu yiri ”Abtigaa Xamza, waala diley”, markaasay tiri ”Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun”. Waxaa lagu yiri ”Walaalkaa Cabdillaahina waala diley”, say sidii oo kale tiri.

Waxaa lagu yiri ”Ninkaagii Muscabna waala diley”. Markaasay ilmeysay oo ay u oysay xabiibkeeda. Nebigu (NNKH) maalintaasi wuxuu yiri ”Wallaahi afadu ninkeedu wuxuu kaga yaal meel weyn”.

Xamnah waxay soo nooleyd xayaata qurux badan, ayadoo kusoo qaadatay nolasheeda la jaar noqoshada Rasuulkeennii suubbanaa (NNKH). Waxay ahayd gabadh soon iyo salaad badan oo saddaqaduna aad u bixin jirtay. Caabidad cibaadada ku xeel dheer, heer markay xanuunsata xataa ay tiir ku tiirsan jirtay oo ay qiyaamu leylka ku tukan jirtay sidaas.

Waxay ka qeyb qaadatay xaadisadii ifkiga ee Caa’isha lagu khadfay duullaankii Muraysiic markii laga soo noqday kadib, taasoo markii xadka laga oofiyey ay toobad weyn la timid.

Xamnah markii saygeedii geeriyooday kadib, waxaa guursaday saxaabi Jaliil ah oo aad u fadli badnaa, kaasoo ahaa Dalxah bin Cubaydillaahi, kana mid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey. Waxay u dhashay iimaamkii weynaa ee caabbidka ahaa ee la oran jirey Maxammad ibnu Dalxa, ee caanka ku ahaa Muxammad As- Saajid.

Xamnah waxaa la sheegaa inay gaartay khilaafadii Cali.

Ilaahay ha u nuuriya qabrigeeda, hana u waasiciya. Aamiin

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
______________________________________________________
Afeef: Qormadani lama daabacan karo idan la’aan, waxa ugaartahay qoraha iyo webka caasimada.net