XOG iyo GORFEYN: Federaalnimada Koox baa ku Daneysata!!

 Waxaa Xaqiiqo ah inaysan “Federaalnimo” si buuxda u suurtogeli karin inta Gobollo badan ayna weli u dhisnayn Maamul Goboleed loo yaqaan.

Si Federaalnimo u hirgasho, waa in Gobolladii oo dhan hoosta ka dhismaan oo ay yeeshaan Dawlad gobolleedyo leh xaduudyadooda, maamul-hoosaad Goboleedyo, xeer-hoosaad Gobolled, isla markaana ay si buuxda oo leh astaan Dawlad-gobolleed ay si buuxda uga qayb-qaataan dhismaha hadoodilka Federaalnimada.

Federaalnimada hadda taagan waa arrin qabyo ah, sida Dastuurkuba uu u yahay qabyo oo loo baahanyahay in Qaladaad badan oo ku jira dib loo saxo, waxaana Federaalnimo buuxda la gaari doonaa marka Gobollaada aan weli dhismin ay soo hanaqaadaan.

Gobollada hadda Federaalnimada uu u hanaqaaday waxaa kamid ah: Somaliland, Puntland iyo Galmudug, keligoodna ma masali karaan Federaalnimo buuxda.

Cidda Federaalnimada u durbaan tumaysa gacan ha siiyaan dhismada Gobollada aan weli dhisnayn si ay u yeeshaan Dawlad Goboleed diyaar u ah kamid noqoshada habka Federaalnimada.

Ilaa Gobollada ay salka kasoo dhismaan, 3-da u taagan Dawlad-goboleedyo ma tibaaxi karaan Federaalnimo qabyo ah, cid ku xisaab-qaadan kartanah ma jirto.

Sidoo kale, qaadashada Federaalnimadu ma ahan arrin muqaddas ah oo lagu tusbiixsado ama laysku sanduuleeyo. Gobol walba wuxuu xaq u leeyahay inuu maamul ahaan u dhisan yahay kahor inta uusan kusoo biirin Federaalnimada.

Haddii laga baxay ku-meelgarnimadii, waa laga arrinsan karaa in dhismada dawladnimada lagu habeeyo Federaalnimo ama la qaato Dawlad dhexe oo sal-ballaaran, Golo Baarlamaan baana ka xaajoon kara Arimahaas.

Markii loo baahdo, waa loo codayn karaa in la qaato Federaalnimada ama daaqadda laga tuuro, waxaana haa iyo maya iska leh gobollada aan weli dhisnayn.

Waxaa dhisan Baarlamaan ka doodi kara Nidaamka Gobollada ku habboon inay qaataan: Inay u codeeyaan Dawladnimo dhexe ama Federaalnimo. Cidu kuma qasbana inay qaadato Federaalnimada, haddayna ku haysan danteeda guud. Waa arrin u baahan in la waafajiyo rabitaanka Bulshada ee Federaalnimadu ma ahan in koox yaru u durbaan tunto si ay ugu daneystaan.

Caqliga fiyow wuxuu is-warsadaa: Ma Federaalnimada ayaan Shiishka saarnaa mise waxaan xoogga saarnaa xallinta arrimaaha u dhexeeya geeri iyo nolol.

Wax walba Waqti ku habboon bay leeyihiin waana in la hormariyo Arrimaha Dhiig-joojinta ah, sida: Xoraynta gobollada argagixisado haysato, dibu-dejinta iyo taakulaynta Qaxootiga, soo Furashada Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyada Dalalka Shisheeye, soo noolaynta kaabeyaalka Bulshada, daryeelka Nugulka Bulshada, horumarinta Waxbarashada, daryeelka Caafimaadka, iyo la Dagaaalanka Musuq-Masuqa.

Sidoo kale, Bulsho-weynta Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay inay Fikradooda cabbiraan, iyadoo la tixgelinayo Codka iyo rabitaanka Gobollada aan weli dhsinayn.

Sidaan horey usoo sheegnay Cadaaladu waa Furaha Nabada, hadii Nabad la helo Hormar baa la gaaray, hadii Hormar la gaaranah Midnimo Soomaaliyeed oo aan liiq-liiqan ayaa udbaha loo taagay.

Wa billaahi tawfiiq…


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst – Ayuub.a.aden@keydmedia.net