HRW oo soo bandhigtay waxyaabo halis ah oo ay Itoobiya ka geysatay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Human Rights Watch oo ah Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay Warbixin ay kusoo bandhigtay tacadiyadda ka dhanka ahaa Xuquul Insaanka oo ay ku kacday dowladda Itoobiya ee ka dhacay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia  kuwasoo aan waxba laga soo qaadin.

Waxay HRW  sheegtay inay Dowladda Federalka Ethiopia ku fashilantay in lala xisaabtamo Ciiddanka u tababaran sida Milliteriga ee Liyuu Bolis, kuwaasi oo sannadkii hore dilay ugu yaraan 21-qof oo Tuullo-joog ah, midaas ay tahay arrin ka baxsan Xuquuqul Insaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Liyu Bolis  ay bishii June 5-dii ee sannadkii hore galeen Tuulladda Jaamac Dubad ee Deegaanadda Is-maamulka Soomaalida-Ethiopia, kadib, markii Sarkaal lagu dhaawacay muran u dhexeeyey Ganacsatadda Deegaanka, midaasna ay sababtay inuu halkaas ka dhaco dil kale oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka dhan ah Xuquuqul Insaanka.

Ciiddankii Liyu Bolis ayaa bilaabeen Toogasho aan loo kala abo yeelin sida warbixinta lagu sheegay, waxaana lagu eedeeyey inay dileen ugu yaraan 14 rag iyo 7 Haween, waxayna Booliska bililiqeysteen Dukaamadii iyo Guryihii ku yaallay Tuulladaasi, waxayna arrintaas soo laalaabatay dhawr jeer.

muddadii u dhexeysay  December iyo February ee sannadkan ayey HRW wareysi la yeelatay 31 qof oo deggan Tuulladda Jaamac Dubbad iyo kuwo kale oo deggan Tuullooyinka ku dhow-dhow, oo ay ku jiraan 10-qof oo goob-joog u ahaa dhacdadii dilalka ee bishii June 5-dii, kuwaasi oo u qarxay Somaliland, waxayna warbixintaas noqotay mid saameyn ku yeelatay Itoobiya maadaama ay ku kacsay falal ka baxsan bini,aadanimada.

Wiil yar oo 5 bilood jir ah ayey xabbad kafa dhacday Lugt intii ay socdeen Toogashadii ka dhacday Tuulladda Jamaac Dubbad, sida ay xaqiijisay HRW, Wiilkaasi yar hooyadiisa iyo ayeeydiisa waxaa lagu dilay Shil dhacay bishii December ee sannadkii hore sida ay xaqiijiyeen inta badan saxaafadda adduunka .

9 Bilood kadib ayey sheegtay HRW, dadkii ka badbaaday Weerarkaasi u sheegeen inaan wax baaritaan ah lagu sameynin dilalkaasi, isla markaana aysan helin wax mag-dhow ah, midaas oo ay aad u cambaareeyeen Hey’adaha xuquul Insaanka.

Sanadkii 2007 ayey aheyd markii ay Dowladda Itobiiya  Ciiddanka Liyu Bolis ka dhiseen Ismaamulka Soomlida Ethiopia, kadib, markii uu iska horimaad  dhex mareen Ciiddanka Dowladda Ethiopia iyo Dagaalamayasha Jabhadd ONLF ee u dagaalanto xoreynta dhulkooda oo ay xoog ku heysato dowladda Itoobiya.

Warbixintaan ayaa wadna qabad ku noqotay dowladda Itoobiya, maadaama ay hey’adaan tahay mid hoos tagto Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com