24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Hub u socday Ahlu-Suna oo gacanta lagu dhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in maamulka uu gacanta ku dhigay Hub la sheegay inuu u socday maamulka Ahlusuna ee Gacanta ku haya Dhuusobareeb iyo Guraceel.

Hubkaani ayaa waxaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug, waxaana lasoo warinayaa in Hubkaasi lagu qabtay Deegaan lagu magacaabo dhuumoole.

Ujeedka Hubka ayaa ahaa in laga dajiyo Deegaanka Xerale oo ka tirsan Gobolka Galgadud oo ay maamulaan Ahlusuna.

Hubka ayaa waxaa ay isugu jiraan kuwo culus iyo kuwa fudud waxaana la sheegay in ciidamada Maamulka Galmudug ay hada gacanta ku hayaan.

Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad ay ka jirto degaanka dhuumoole halkaasi oo la sheegay in ragii waday hubka eheladooda ay ku jiraan sidii loo sii deyn lahaa raga.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Hubka la qabtay uu u badnaa Rasaas in kastoo aysan faah faahin kale ka bixin NISA Qeybtooda Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusunna oo looga hadlayo Hubka la sheegay in ay gacanta ku dhigteen Ciidamada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News