Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo haatan laga joogo 35 maalin waxaa la wada xasuustaa qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo Airline, kaasi oo sababay hal ruux inuu ku dhintay qaraxa kaasi oo meydkiisa laga helay duleedka degmada Balcad.
Qaraxa ka dhex dhacay diyaarada Daallo ayaa sahlanaa in la helo tixraaciisa maadaama garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu yahay mid caalami ah oo ay ku xiran yihiin kaamirooyin badan oo qarsoon.
Qaraxa ka dhacay garoonka Ugaas Khaliif iyo qaraxa ka dhacay diyaaradda Daallo ayaa waxaa loo adeegsaday agab isku mid ah, balse meelo badan ayay ku kala duwan yihiin.
Qaraxa ka dhex dhacay diyaarada Daallo waxaa loo adeegsaday Labtop qarax lagu xiray, waxaana ku dhintay ruuxii falkaasi ka dambeeyay, wuxuuna ka dhex dhacay diyaarada gudaheeda.
Laakiin qaraxa ka dhacay afaafka hore ee garoonka Ugaas Khaliif ayaa ka dhacay banaanka garoonka oo diyaarada kama uusan dhex dhicin, waxaana sida qaraxii Daallo loo adeegsaday Labtop.
Wuxuu qaraxaasi kaga duwan yahay qaraxii Daallo, oo wuxuu sababay dhaawaca shan ruux oo labo kamid ah ciidamo ay yihiin seddex kalana ay ahaayeen dad la sheegay iney ka shaqeynayeen shirkada duulimaad oo xarun ku leh magaalada Beledweyne.
Sidoo kale wuxuu kaga duwan yahay qaraxaasi qaraxii Daallo iney la socdeen qarax kale oo lagu xiray printing wax lagu daabaco kaasi oo la helay inta uusan qarxin, sidoo kale waxaa la qabtay qaraxyo kale oo ciidamada ay jareen ka hor inta aysan qarxin.
Qodob kale ayaa ah inuu kaga duwanaa in Labtop-ka la sheegay inuu lahaa shaqsi laga yaqaan garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Waxaa wali socda baaritaano dheeri ah oo ku saabsan qaraxa ka dhacay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

