Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wali aan la qancin qaar kamid beelaha kasoo jeeda gobolka Hiiraan gaar ahaan beesha Xawaadle.
Xog aan ka helnay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wali beesha Xawaadle aan lagu qanci shirka magaalada Jowhar iney ka qeyb galaan, wallow xubno gobolkaasi kasoo jeeda ay ku laabteen magaalada Jowhar.
Xogta aan heleyno ayaa intaasi ku dareyso in beesha Xawaadle ay digniin u dirtay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ah in hogaanka maamulka ugu sareeyo aysan ka qeyb gali karin shirka Jowhar.
Waxaa la sheegayaa in xubnaha beesha kamid ah gudoomiyaha Hiiraan u sheegay iney kalsoonida kala laaban doonaan haddii isaga oo beesha matalaya uu tago magaalada Jowhar.
Qaar kamid ah beelaha gobolka Hiiraan ayaa bil ka hor isaga baxay shirka Jowhar kadib markii aysan ku qancin go’aanka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ee lagu qeybiyay ergooyinka shirka ka qeyb galaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa dhawaan hishiis la galay gudoomiyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe waxaana loo gacan geliyay labada gudoomiye dhaqaalo lagu qancinayo beelaha shirka diidan.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

