Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusuna ay wareejiyeen dhaawaca Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.
Dhaawaca Liibaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ku wareejiyeen Odayaal dhaqmeed ku heeb ah, kuwaasi oo sheegay inay daryeelanayaan Dhaawacooda.
Odayaasha ayaa sidoo kale, la sheegayaa in dhaawaca Liibaan Madaxweyne ay la aaden dhanka Degaanka Gadoon oo Magaalada Dhuusamareeb ka xiga dhanka Degmada Cadaado oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Mid kamid ah Odayaasha ayaa sheegay in lagu wareejiyay dhaawaca Liibaan, balse waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay xubno kusoo dartay dhaawaca kuwaasi oo la soconaaya dhaqdhaqaaqa.
Maamulka Ahlusuna ayaa lasoo warinayaa inay u taagwayeen dabiibida dhaawaca Liibaan Madaxweyne, sidaa aawgeedna ay Odayaashiisa ugu wareejiyeen, iyaga oo baqdin ka qaba in xaalad adag uu galo Liibaan Madaxweyne.
Dhanka kale, waxaan la ogeyn heshiiska ay wada qaaten Ahlusuna iyo Odayaasha, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Liibaan laga reebtay Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada qaarkood, islamarkaana ay Ahlusuna u kala dhamaatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

