Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad militiri ayaa dhawaan dil ku xukuntay Xasan Xanafi oo ku eedeysnaa dilalka wariyaal badan oo lagu dilay Soomaaliya. Go’aanka maxkamaddu wuxuu ahaa mid horay loo sugayay oo la saadaalinayay in uu sidan u dhicidoono.
Xasan sida ka muuqatay muuqaalo iyo sawiro laga qaaday waqtiga ay maxkamadeyntiisu dhacday oo ahayd 3 bisha March 2016 waxa uu fadhiyay meel gaar ah oo aan ciddi ku wehlin oo aan u maleynayo in ay ku beeganeyd wajahadda miiska ay fadhiyaan Askarta dacwada qaadeysay. Waxaa kale oo goobta joogay oo dhinac taagnaa koox warbaahinta ka socotay. Warbaahintu ma masheegin in ay goobta maxkamadu joogeen ehelada ninka la xukumay ama cid sharci ahaan difaaceysay eedaha loo haysto.
Ma’aha in aan leeyahay Xasan dambiile ma’ahan, mana aha in aan leeyahay cadaalad ayuu helay si lamid ah ma’ahan in aan leeyahay dilkiisa cadaalad baa lagu gaarayaa laakin waxaan leeyahay inta aan cadaalad ku dooneyno cadaalad daro cadaaladi naga dheer.
Maxaa cadaalad daro ah oo meesha ka dhacay oo aan Xasan oo dilaa lagu xukumay ugu qiil sameynayaa! Qiil meesha mayaallo Xasan goor hore ayaa la xukumay, dadka oo dhan ayaana xukunkiisa gaaray marki ay daawadeen video Propaganda ah oo horay Muuq baahiyaha qaranka (SNTV) looga siidaayay kaasi oo dhammaantiis ka dhan ahaa eedeysaha.
Muuqaalkaas haddaad daawatay waxaa ka buuxay eedeysanaha oo qiranaya waxyaabo badan laakin hal meel ah kumma sheegin in uu gacantiisa qof ku dilay. sidoo kale hal meel ah lagama soo gelin cid difaaceysay. Isweydii hay’ad cadaaladeed oo madax banaan daliil maka dhigankartaa cadeymo laga duubay qof maxbuus ah oo qori madaxa looga hayo ama aan xor ahayn.
Markaan kaashado maankeyga sida ii muuqatay Xasan waxa uu jilaa ka ahaa filmka ay wadatay hay’adaha NISA oo wax qabadkeeda lagu buun buuninayay. Waxaa maxbuus cadaalada u xiran isaga oo ah lagu wareejiyay magaalada si uu u jilo muuqaalka, waxaa la geeyay meelihi lagu dlilay dadka lagu tuhunsanaa oo dhan isweydii Xasan ma waxa uu u xirnaa dowlad mise maleeshiyo? Isweydii waayo cidda awood u leh inta qof xiran ay xabsi kala baxdo banaanka ku wareejiso oo film ka duubato? Waxaa kuu cadaanaya eed kasta oo uu lahaa Xanafi in uu isaguba ahaa dhibane sharciga lagu dhibaateeyo.
Ma awooday in uu yiraahdo Film ma jilayo oo matagayo goobihi dadka lagu dilay waa maya. Ma jirtay cid uu uga dacwoon karay oo dhageysaneysa codkiisa hay’adaha NISA iyo Bahdilka ay ku sameysay waa maya.
Isweydii maxaa isku beegay Barnaamijka laga duubay Xasan waxyar ka hor iyo xukunkiisa. Macnaha waxaa uu noqonayaa qof kasta oo la dilayo inta aan la xukumin ka hor waa in NISA ay waxay doonto ka sameysato si loo qaldo rayiga guud ee shacabka.
Ugu dambeyn Xasan Xanafi wuxuu galabsaday ilaahay baa ogg wax qarsoona ma’ahan, inta nool ee ilaahay ka badbaadiyay baan ku jiraa cabsi aan ka qabana marabo in ay fulay nimo ii geyso hala dilo inta aanu idilin. kuwa xukumaya ee askarta ah in ay ka shar yaryihiin iyo in kale ilaahay baa ogg laakin waxaan ognahay in Somalia aysan cadaaladi oolin.
Dilka wariyaasha waa silsilad dheer oo taxan oo halis teeda leh hadduu Xasan meesha ka baxana uma maleynaayo in ay sidaa ku dhamaaneyso ilaa inta laga helayo cidda maskaxda iyo dhaqaalaha ku bixisa mashruuca dilka wariyaasha.
Sida aan uga xumahay dulmiga lagu dilay wariyaashi geeriyooday ayaan hadeerna uga xumahay in Xanafi dulmi lagu dillo sababta aan sidaa u leeyahayna waxay tahay waxaanan ku qanacsaneyn hanaanka cadaaladeed ee dalkeena. Qofki xukun ay askari goysay ku qanacsana koley isaga cirka roob ku ogg.
Inta dhimatay ilaahay naxariistiisa ha siiyo Xasan Xanafina culimada kuwa ilaahay ku xiran haloo geeyo iyagaa kitaabka hayee waxay u qaadaana halagu qaado haddii kale maxkamad askareed cadaalad ha u ahaato Soomaaliya.
W/Q. Ayaanle Xuseen Cabdi
Email:[email protected]

