27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Cabdi Waal oo jeebeysan oo laga dejiyay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Ex Hogaamiye Kooxeed Cabdi Nuure Siyaad ”Cabdi Waal” oo si ba’an ay u baadi goobeysay Dowlada Somalia.

Cabdi Nuure oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay Sirdoonka Dowlada Kenya oo maanta usoo gacan galshay Dowlada Somalia isaga oo jeebeysan.

Cabdi Waal ayaa waxaa lagu qabtay isagoo ku sugnaa Baar laga cabo Kafayga, waxaana qabashadiisa iska kaashtay Xubno Dowlada Somalia ka tirsan oo ku sugan magaalada Nairobi iyo Sirdoonka Kenya.

Cabdi Waal waxay Dowladda Federalka u raadinaysay lugtii uu ku lahaa Iska-horimaad ay Ilaaladiisa la galeen Ciiddan ka tirsan NISA bilowgii bishii August ee sannadkii 2014-kii.

Sidoo kale, Cabdi Waal, ayaa waxaa sidoo kale lagu heystaa ku lug la haanshiyihiisa Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Waal waxa uu bishii August 22-dii ee sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah kaga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna sii raacay Diyaarad ku sii jeeday magaallo-madaxda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa-mareeb.

Cabid Nuure Siyaad waxa uu ku biiray Maamulka Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe oo uu haatan ka yahay Taliyaha Maleeshiyadda Ahlu Sunna.

Si kastaba Cabdi Nuure oo haatan Maxbuus u ah dowladda Federaalka ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu ka baxay bartamihii sanadkii 2014 , xilligaas oo howlgal ka dhan ah Ciidamo kuwa nabad sugida gurigiisa ay ku qaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News