27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Xog: Madaxweyne Sheekh Shariif oo billaabay in uu ciidamo ka abaabulo gobolka SH/DHEXE.!!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu amar ku siiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aay is heyb yihiin in aay ka baxaan ciidanka XDS. Madaxweyne Shariif ayaa ku jira abaabul ciidan aruursi oo uu ka wada magaalooyinka Mahadaay iyo Jowhar sida aay u sheegeen Caasimada Online saraakiil ka tirsan XDS.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qabo in aay dhici doonaan colaado siyaasadeed inta aan la gaarin doorashada lagu ballansan yahay bisha Sebteember ee sanadka 2016. Waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan aruursi dhammaaan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo si wadajir uga soo horjeestay maamul u sameynta labada gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in si qasab ah loogu sameeyo maamul labada gobol taasoo ujeedka ugu weyn aay tahay in xildhibaanada ka iman doona labada gobol aay noqdaan kuwo taabacsan Xasan Sheekh iyo xulufadiisa.

Waxaa aad u kacay sicirka hubka labada gobol oo gaaray heerkii ugu sareeyay tobonkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo markii ugu horreysay laga furay magaalada Jowhar suuqa hubka lagu iibsado ee loo yaqaan cir toogte.

Xaalada amniga magaalada Muqdisho iyo gobolada u dhaw dhaw ayaa gacanta ka sii baxeyso, iyadoo lasoo sheegay in uu socdo qorsha kale oo laga goynaya gobolka Sh. Hoose maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News