Hub uruursi iyo jahwareer ka taagan deegaanka Xeraale iyo dagaal laga cabsanayo

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu halkaa ka socdo hub uruursi iyo dhaqdhaqaaq colaadeed.

Wararku waxa ay tibaaxayan in hub uruursiga iyo dhaqdhaqaaqa uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo xalay ilaa shalay gelinkii dambe ku dagaalamaayay qeybo kamid ah deegaanka xeraale.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale gurmad ka kala helaayo labada dhinac ay kasoo kala jeedan, waxaana saaka laga cabsi qabaa inuu dhexmaro dagaal ka duwan kuwii u dhexeeyay maalmahan.

Dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray labadaasi maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 14 ruux, halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay boqolaal kalena ay barakaceen.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ugaarsanaaya barakacayaasha kasoo kala jeeda labada qeyb kuwaa oo ragooda loo geysanaayo dil ama qafaal.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Ahlusuna wal-Jamaaca ayaa midba midka kale ku eedeynaaya in dagaalka isaga uu hurinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com