Muxuu yahay qorshaha ay DF ka damacsan tahay u yeerida Cusmaan Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ee Somalia ay magaalada Muqdisho uga yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Dowlada Federaalka ayaa Guddoomiyaha wax ka weydiin doonta dhicitaanka Hogaamiyihii maamulka ee sababsaday xildhibaanada maamulka ee Cali Cabdullaahi Cosoble.

Guddoomiyaha ayaa wax laga weydiin doonaa kaalinta uu ku lahaa riditaanka Cosoble, Qorshaha ku aadan doorashada, waxaana sidoo kale loo dajin doonaa Jadwalka diiwaangalinta musharaxiinta iyo xiliga ay qabsoomi doonto doorashada.

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in Guddoomiyaha la fari doono inuu dib dhigo doorashada isla markaana laga warsugo dowlada ilaa iyo amar danbe.

Hogaamiyihii xilka laga tuuray Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbaahinta u sheegay in riditaankiisa uu ka danbeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Geesta kale, dowladda Federaalka ayaa haatan ku dadaaleysa sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisada ka dhex taagan hogaanka HirShabeelle,iyada oo Cali Cabdullaahi Cosoble uu weli ku doodayo in xilka qaadistaas ay ka dambeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com