Dad badan baan ogeyn inuu Maxamed Siyaad Barre oo xukunkiisii faasidka ahaa ku billaabay kaaba-qabiilka beeshiisa bishii October 1969 uu maalintii Xamar laga ceyrinayey January 1991 uu ahaa kaaba-qabiilka jufadiisa, kaddib markii waxgaradkii iyo waayeelkii beeshiisu ay u qoreen warqad ay isaga beri-yeelayaan dulmiga uu ku halligay qarankii iyo qaraabadiisii. Sida uu record-gareeyey Cabdulqaadir Shire Faarax, buuggiisii Xeebtii Geerida, waxgaradka iyo odoyaasha ka soo jeeda beesha Maxamed Siyaad Barre ka dhashay oo ah dad lagu yaqaanno geesinimo, waxay sannadkii 1989-kii u qoreen keli-taliyaha dhambaal ay ku siinayaan talo walaaltinimo, iyagoo xusuusiyey inay ka xun yihiin gumaadka uu ka geystay gobollada waqooyi galbeed (Somaliland) iyo hubka uu isugu dhiibay qabiilada Soomaaliyeed, waxayna ku tirtinsiiyeen inuu si degdeg ah ku magacaabo Ra’iisal Wasaare u dhashay gobollada waqooyi, wixii halkaas ku dumayna dib loo dhiso. Maxamed Siyaad Barre wuxuu dhegaha gashaday suuf, waana diiday inuu taladii tolkiis raaco. Waa dhaqanka qabyaaladdu; waxay ku istaagtaa oo ku soo dhammaataa isla shaqsiga oo noqda anaani naftiisa mooyee aan cid kale u tureyn, xitaa xaas iyo carruur.
Dhibaatada uu Maxamed Siyaad Barre u geystay ummadda Soomaaliyeed kuma ekeyn oo keliya burburka qarannimo ee wuxuu xitaa si naxariis darro ah u silciyey xididkiisii iyo xigtadiisii. Waxaan saddex sano ka hor soo baxay buug yar oo ka kooban 186 pages oo af-Soomaali ku qoran, ayna soo saartay Shukri Aaden Shire ‘Shukri Aaden Low’ oo deggan London, kaas oo ay ka qortay aabbaheed Aaden Shire Jaamac ‘Aaden Low’ oo ahaa siyaasigii weynaa ee sumcadda lahaa oo ummadda Soomaaliyeed ay jecleyd. Aaden Low wuxuu ahaa hoggaamiyihii beesha Marreexaan ee 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii. Wuxuu ku jiray waxgaradkii iyo waayeelkii uu xabsiga ku xirtay Maxamed Siyaad Barre habeenkii uu inqilaabka dhigay. Saacaddu markey ahayd 04:00am subaxnimo, 21st October 1969, waxaa guriga reer Aaden Low ku daatay askar uu wato Axmed Suleymaan Dafle oo qabay gabadha Maxamed Siyaad Barre, una qaabilsanaa cabburinta, cadaadiska iyo xuuraanka xukunka militariga. Halkaas ayaa laga soo jeebeeyey Aaden Low, iyadoo aysan jirin wax dambi ah oo uu galay, oo aan ka ahayn Maxamed Siyaad Barre oo yiri ‘aniga iyo isaga qabiilka isla xukumi mayno ee ii soo xira’. Maxamed Siyaad Barre wuxuu aaminsanaa inta uu Aaden Low nool yahay inuu ifka kula nool yahay nin damiir, diin iyo dadnimo leh oo aan ka yeeleyn inuu beeshiisa ku shaqeysto, kuna dulleysto ummadda Soomaaliyeed.
Shukri Aaden Low waxay ka warrantay inuu jiro dhaqtar u shaqeyn jiray Maxamed Siyaad Barre oo weli nool oo ahaa ninkii uu amarka ku siiyey Maxamed Siyaad Barre inuu sun ku duro Aaden Low oo xabsi ku jira, suntaas oo ah sunta uu u dhintay sannadkii 1973-kii. Shukri waxay kaloo wareystay hooyadeed Muraayad Xaaji Xaashi oo la dhalatay Dalaayad Xaaji Xaashi, xaaskii labaad ee keligii-taliyaha, taasoo – sida ku xusan buugga – bixisay caddeymahaan cajiibka ah ee xanuunka badan. Waxaa qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi oo ah dumaashidiis uu ka marag-kacayaa sida damiirxumada leh ee uu Maxamed Siyaad Barre u silciyey aabbahood, isla mar ahaantaana u bahdilay, una bililiqeystay lacagtii yareyd ee uu odaygu kaga dhintay. Sheekada Muraayad waa mid uu la ilmeyn doono qof walba oo Soomaali ah oo damiir leh. Waxay Muraayad hadalkeeda ku billowday:
“Aaden Shire [habeenkii xabsiga laga soo daayey] wuxuu ii sheegay in [c]irbad lagu muday. Irbadaas oo markii lagu muday uu bararay, codkii nuxuusisay, kaadidii oo dhiig isu beddeshay, Arrintaasu ay dhacday saddex bilood ka dib markuu xiraa. Aaden Shire markii aan weydiinnay sidii wax ugu dheceen, wuxuu ii sheegay oo yiri: “Aar, Suntii dhurwaaga lagu leyn jiray baa laygu duray”. Xabsiga intuu ku xanuunsanaa ayaan Madaxtooyada qoraal u qortay, aan ku weydiisaneeyno inaan ku soo booqdo xabsiga iyo in na loo oggolaado in aanu dibedda ku daaweysano. Laba beri kadib waxaa timid warqad uu ku saxiixan yahay Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo oranaysa: “Lama oggola ee sidaas Iimaanso”.
Markii Aaden iyo raggii la xiraa la soo daayey oo Aaden Low gurigiisa ku soo noqday, 1dii April 1973, isagoo aad u xanuunsanaya oo garbaha la hayo. Soo bixitaankiisii ka dib, erayo kaftan ah, runse ahaa oo uu igu yiri, wuxuu ahaa “Muraayadeey, aar la igama adkaan, mar haddii aanan soo noqon adigoo dharkii cagaarnaa ee Guulwadayaasha ku lebbisan, oo leh: Aadenow soo xiro albaabka guriga, Golaha Hanuuninta ayaan aadayaaye”.
Aaden Shire, hoos ahaan ayuu iigu warramay, ‘nin iyo xaaskiis’ ahaan, isagoo ii sheegay in xubinta taranka iyo xiniinyaha laga soo tumay, uuna si aan caadi ahayn u jir-dilanyahay. “Ka warran haddii aanan maanta xagga ninnimada, aanan adiga waxba ku dhaamin” ayuu igu yiri. Markii Aaden Low laga soo daayey xabsiga, wuxuu ahaa nin il-geeriyaad leh. Xanuun uusan la seexan jirin. Xubnaha muhiimka ah ee laga tumay ka sokow, isha bidix ayaa dhacsaneyd, waxayna ahayd il dhimatay oo gebi nahaanba la riday.
Aaden Shire wuxuu ii sheegay: In bunkhukh dabadiis ‘Butt’ looga dhuftay isha, ayna ishu sidaas uga soo dhacday intii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu ii sheegay in lala bixi jiray, mar, laba, seddex iyo ka badan, iyadoo lagu soo fulinayo howlgallo jirdil ah. Aaden Shire wuxuu ka walwal qabay inay adkaan doonto in aan qoys ahaan ka badbaadno Taliska Maxamed Siyaad, wuxuuna ahaa nin ay u sii muuqato in dhaawaca iyo jirdilka ku maqani sababi doonaan geeridiisa. Waxaan weydiiyey, Aaden Shirow maxaa talo ah? Wuxuu iigu jawaabay: “Si ilmahaagu kuugu badbaadaan, raac isaga (Maxamed Siyaad), hadii aad diido, kuwa dad kuu xiga ayuu adiga iyo ilmahaagaba u adeegsan doonaa”.
Aaden Shire, isla habeenka laga soo daayey xabsiga, subaxeedii waxaa guriga ugu yimid Dr Cusmaan Nuur Cali Qonof iyo Dr Foodcadde oo xubino [xubno] ka ahaa Guddiga Caafimaadka Qaranka. La kulan iyo wareysi caafimaad ka dib, isla fiidnimadii maalintas oo ku beegnayd 2dii April 1973, waxaa fariistay Guddiga Caafimaadka Qaranka, waxayna go’aamiyeen in Aaden Shire si degdeg ah loogu qaado dibadda, iyadoon gudaha Dalka caafimaadkiisa wax looga qaban karayn. Isla maalintii bisha April ahayd 3, 1973, warqaddii Guddiga Takhaatiirta, waxaa Maxamed Siyaad u geeyey aniga iyo walaashay Dalaayad Xaaji Xaashi. Maxamed warqaddaas waa ka soo jawaabay, wuxuuna ku jawaaabay in aan nin siyaasi ah dibedda loo qaadi karin. Todobaad ka bacdi waxaa soo baxay, rag siyaasin ahaa oo dibadda loo ogolaaday.
Intaas ka dib, waxay noqotay in aan anagu qoys ahaan isku abaabulno sidii aan odayga dibedda ugu soo daweysan lahayn. Waxaan ‘Rahaamad’ gelinay guri aan ku lahayn xaafadda Taleex. Kaas oo aan Bankiga uga qaadanay deyn. Waxay nagu qaadatay ilaa 9 bilood in aan AadenShire u diyaarinno dhoofitaan. Laakiin, nasiib darro, waxaa la diiday in qoyskiisa cidi ka raacdo, iyadoo Aaden ahaa bukaan intii la doono il-daran, xanaano iyo la socod u baahan. Doorasho ma jirin, Aaden Low oo sakaraad ah ayaan diyaarad Muqdisho Airport ka saaray, maalintii bisha December ahayd 11, 1973, isagoo la socda diyaarad ay lahayd Shirkaddii Alitalia, kuna sii jeedday magaalada Roma. Hase ahaatee, Fiumicino International Airport oo Roma ku yaal, markii diyaaraddii ka soo degtay, Aaden Shire wuxuu waayey cid halkaas inta ka qaadda, geysa Isbitaalkii loo soo qabtay (Gemmelli), wuxuuna 8 saacadood oo dambe ku dhex silcayey gudaha Fiumicino Airport.
Saadiq oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta Safaarada Soomaaliyeed ee Roma, oo dad ku sagootinayey gegida diyaaradaha (airport) ayaa si lama filaan ula kulmay Aaden Shire oo dhex yaal gudaha hoolka weyn ee dhoofayaasha (Arrival’s hall). Saadiq gurmad ayuu u sameeyey Aaden Shire, wuxuuna dejiyey Hostel magaalada ku dhexyaal, ka dibna wuxuu arrinta Aaden Shire u gudbiyey Safaaraddii oo markaas uu Danjire ka ahaa [Maxamed Saciid] Gacaliye. Aaden Shire isbitaalkii loo qabtay mid aan ahayn ayaa la geeyey, nabadna uguma soo noqon. Muuse Galaal oo ay Aaden Shire saaxiib ahaayeen ayaa xaaladda caafimaadkiisa, telefoon iigu soo gudbin jiray. Wuxuuna maalmo ka dib, telefoonkii ugu dambeeyey iigu sheegay in Aaden Low geeriyooday oo aanan dib dambe u arki doonin isagoo nool. Farriin dardaaran ah oo Aaden Shire ii soo dhiibay, iina soo faray Muuse Galaal, waxay ahayd: “Taladii markii isugu keen dambeysay aan ku siiyey, yeel oo ku camal-fal, si carruurtu kuugu badbaado”.
Guriga reer Aaden Low waxaa ka socday abaabulka, dhaqdhaqaaqa meel geeri taal. Hase ahaatee, waqti yar ka dib, askar ayaa timid, waa Koofiyad Gaduud (Military Police), waxaana la ii kaxeeyey xagga xaruntii Ciidamada ee Afizoone. Halkaas oo aan ku xirnaan doono maalin iyo habeenkii xigay, iyadoo la igu haysto in aan falkicin ah sameynayey, warka ku saabsan Geerida Aaden Low!.
Laba maalmood ka dib waxaa timid diyaaraddii siday meydka Aaden Shire, hal maalin ka dibna waxaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi ee ku yiil dhabarka dambe ee Golaha Murtida iyo Madadaalada. Markii laga soo kala dareeray aaskii Aaden Shire, waxaa la yimid guriga oo duco iyo quraan loogu akhrinayey Marxuum Aaden Low. Waxaa fadhiyey dad badan oo asxaab, ehelo, culumo, Soomaali cid kasta. Sidii loo fadhiyey ayaa waxaa soo galay Sarkaal sare oo uu soo diray General Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ahaa Cabdi Madoobe, oo uu u soo dhiibay boqshad weyn oo wax ku jiraan. Si gaar ah in uu iigu dhiibo boqshadda iyo waxa ku jira ayuu iga codsaday, aniguna waxaan ku adkeystay in uu dadka hortooda ku furo, oo la isla arko tacsida madaxweynaha.
Cabdi Madoobe ma uusan aqoon waxa ku jira gudaha Boqshadda looga soo dhiibay Madaxtooyada. Taas oo markii dadka dhexdiisa lagu furay noqotay shan boqol oo shillin Soomaali ah, kanna kooban shan shan iyo toban toban. Lacagtaas Cabdi Madoobe lagama guddoomin, waxaana ka codsaday in uu dib ugu celiyo ciddii u soo dhiibtay, waana la noqday, wuxuuna u celiyey halkii laga soo dhiibay.
Run ahaan, agoonta reer Aaden Low oo tacsida u fadhida iyadaa lacagi uga maqan tahay Madaxtooyada, waayo waxaa jirtay US20,000 oo ka soo noqotay lacagtii daaweynta Aaden Low loogu qaaday Roma. Taas oo lala keenay Meydkiisa. Meydka Aaden Shire waxaa Roma ka soo raacay Guuleed Maxamed Siyaad, oo markii uu Muqdisho yimid, ku wareejiyey 20-kii kun Madaxweynaha (waa aabihiis) iyo boorsadii ay ku jirtayba. Markaas ka dib, Maxamed Siyaad wuxuuu yeeray Xuseen Aw Maxamuud (Koofiyad Cadde), wuxuuna ku wareejiyey lacagtii, isagoo amray in uu Akoonka Dawladda uu ku shubo, waana uu ku shubay.
Wuxuu ii soo jeediyey in aniga, isaga iyo Cabdinuur Xaaji Xaashi aan isku raacno Madaxtooyada, xoogna la saro in agoonta lacagteeda loo soo celiyo. Saddexdaydii (aniga, Cabdinuur iyo Koofiyad-cadde) ayaa israacay oo tagnay Madaxtooyadii. Laakiin waxaan la soo noqonay faro marnaan iyo quus”.
Falanqeyn Kooban
Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘ninka hooyadiis har u jiidi waayey, ayeydii har uma jiido. Qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi oo ahayd Maxamed Siyaad Barre dumaashidiis wuxuu caddeyn buuxda u yahay sida foosha xun ee awooddii dowladnimo loogu adeegsaday in lagu aarguto. Su’aalaha is weydiinta mudan ee ay tahay taariikhyahannadu inay jawaab u helaan waxay yihiin: muxuu Maxamed Siyaad Barre illaa heerkaas ula gaaray Aaden Low oo marna ina adeerkiis ah, marna oori wadaag ay yihiin? Muxuu ka aargudanayey oo uu ka halleeyey? Waxaa dadka qaar leeyihiin wuxuu ku haystay ‘muxuu qabiil iigu hiilin waayey markii uu Aden Low ahaa Madaxa Xafiiska Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise kontomeeyadii iyo markii dambe oo uu noqday Wasiirka Caddaaladda lixdameeyadii?’. Waxaa xusuus mudan inuu Maxamed Siyaad Barre ku doodi jiray weligiis inuu isagu xaq u lahaa in laga dhigo Taliyaha Ciidanka Police-ka halkii laga dhigay General Maxamed Abshir (fiiri buugga The Cost of Dictatorship by General Jama Mohamed Ghalib). Waxaase xusid mudan in Aden Low uu ahaa nin ka mid ah dhaqdhaqaaqii SYL ee la dirirayey qabiilka, qabiileysiga iyo qabyaalada.
Magacyada ku jira qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi si aan u fahamsiinno in badan oo la marin habaabiyey, waxay kala yihiin. 1. Muuse Galaal oo ahaa caalim sare oo u dhashay beelaha Isaaq. Nin iskala weyn inuu u adeego keligii-taliyaha ayuu ahaa, wuxuuna goostay inuu dibadda ku noolaado, halkaas oo uu ku dhintay Sacuudiga sannadkii 1980-kii. 2. Cusmaan Nuur Cali Qonof iyo Foodcadde waxay ahaayeen laba nin oo Majeerteen ah. Kan hore wuxuu ku jiray xoghayeyaashii u horreeyey ee Maxamed Siyaad Barre magacaabay, wuuse ka fakaday markii dambe. 2. Saadiq wuxuu u dhashay beesha Habar Gidir/Saleebaan, laakiin waxaa habaryar u ahayd Maama Khadiija, isla markaana wuxuu qabay gabar ay eeddo u tahay maamada. 3. Gacaliye wuxuu ahaa kuwii qabyaaladdu madax martay ee Maxamed Siyaad ugu adeegi jiray inay isku qabiil yihiin, markii dambena ka goostay oo billaabay inuu afka kula diriro (akhri wargeyska Faransiiska ee Le Monde). 4. Koofiyad-Cadde wuxuu ahaa kuwii uu keligii-taliyuhu ku shaqeysan jiray isagoo ku xodxodanaya qabiil (akhri wargeyska sirdoonka Faransiisku qoraan ee Africa Confidential). 5. Cabdi Madoobe wuxuu ahaa adeegihii gaarka ahaa ee gadaal ka istaagi jiray keligii-taliyaha.
Buugga qiraalku ku jiro waxaa cinwaankiisu yahay Xabbaddii Dunida Gilgshay: Aaden-Low iyo Dhacdadii Walwaal, iskudubaridka iyo Tifaftiriddaq by Shukri Aaden Low, bogagga 144 illaa 148. Waxaan u mahadcelinaya Cabdirahmaan Cumar Jirrac oo loo yaqaanno Cunaaye oo ah odayga Shukri Aaden Low oo haddiyad ahaan iigu keenay buugga. Waxaan qoyska reer Aden Low uga baryayaa Ilaahey inuu samir iyo iimaan ka siiyo sida foosha xun ee uu Maxamed Siyaad Barre u qaarajiyey aabbahood. Waxaan ka codsanayaa inay ka cafiyaan ummadda Soomaaliyeed aamusiddii ay ka aamuseen arrintaas, qaarkoodna kuba taageereen keli-taliyaha inuu sidaas sameeyo. Baaqeennu waa is cafis iyo towbad keen, si aan dib ugu dhisanno dowladnimadii dhabta ahayd oo aan ahayn tan beenta ah ee maanta socota.
W/Q: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com