Ouagadougou (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha militariga ah ee Burkina Faso, Captain Ibrahim Traoré ayaa sheegay in dalal Afrikaan ah oo ay kamid tahay Soomaaliya ay dhex taagan yihiin ceeb qaran.
Dalalkan ayuu sheegay in wax walba ay dibadda kasoo dhoofsadaan, iyagoo leh kheyraad fara badan. Traoré ayaa dhaliilay sida ay iskaga indho tirayaan wax soo saarkooda gudaha, isla markaana ay lacag adag ugu safrinayaan dalal kale oo isku tashaday.
“Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika, kuna fadhida badda ugu kalluunka badan qaaradda, waxay wali kalluunka kasoo dhoofsataa Thailand! Tani waa ceeb qaran iyo calaamad muujinaysa fashilka Afrika,” ayuu yiri Ibrahim Traoré.
Ninkan ayaa sidoo kale tusaale usoo qaatay dalalka Angola, South Africa iyo Nigeria, oo uu sheegay in dalal dibadda ah ay u safriyaan boqolaal milyan oo doollar, halka xitaa sarreenka ka soo iibsadaan Mareykanka.
“Afrika waxay wali ka shaqeyneysaa qaabkeedii hore ee burburka. Angola waxay sannad walba $57 milyan ku bixisaa kalluun ay ka soo dejiso Argentina, iyadoo ay deris la tahay Namibia, oo ah dalka ugu weyn ee kalluunka ka dhoofsada gobolka SADC,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “South Africa waxay galleyda ka soo degsataa Argentina, halka Zambia oo ay xuduud wadaagaan ay tahay beeraleyda ugu weyn ee galleyda. Nigeria waxay sarreenka ka soo iibsataa Mareykanka, iyadoo ay Ghana, oo jaarka ah, ay tahay dal sarreen beerta.”
Traoré ayaa si cad u sheegay in Afrika ay u baahan tahay isku duubni, kalsooni gudaha ah iyo midnimo dhaqaale, si loo badbaadiyo mustaqbalka jiilasha dambe. “Marka aynaan kalsooni ku qabin nafteena iyo walaalaheen, waxaan sii ahaan doonaa qaarad ku tiirsan dibadda.”
Afrika waxaa haatan ku loollamaya Shiinaha, Mareykanka iyo Yurub, kuwaas oo usoo dhoofiya wax soo saarkooda, iyaga oo curyaamiyay wax soo saarkii gudaha. Dhibaatadan waxaa la daala dhacaya dalal badan oo Afrikaan ah oo Soomaaliya-na ka mid tahay, waana mid u baahan in laga yeesho ajende qaran oo dhab ah.