ICG: Afar arrimood oo la gudboon Farmaajo si uu Imaaraadka ula heshiiyo

Ururka xasaradaha caalamiga ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Hadalka ICG ayaa ku soo beegmaya sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii uu billaamay muranka Khaliijka.

Bishii June ee sannadkii hore waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynayn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda qaniga ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Soomaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.

Bartamihii April, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Haddaba Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday inuu sameeyo afar arrimood oo ay hay’adda aaminsan tahay inay xal u noqon karto khilaafka dowladda iyo Imaaraadka u dhexeeya.

La hadal Imaaraadka

Hay’adda ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in cod dheer uu ku sheego inuu diyaar u yahay wadahadal toos ah oo u la galo Immaaraadka kana dalbado Sacuudiga inuu dhexdhexaadiya labada dhinac. Waxaa taasi suuragelin kartaa in lacagtii Imaaaraatka ee ay dowladda federaalka qabatay lagu bixiyo mushaaradka ciidammada ay immaaraadku tababreen oo la sheegay in markii horaba lacagtasi loo waday.

Waxaana sidoo kale la sheegay loogu baaqay saraakiisha sare ee dowladda inay qaboojiyaan hadallada ka dhanka ah Imaaraatka.

Mucaaraadka yaan loo caga jugleynin

Waa in dowladda Soomaaliya ay joojisaa handadaadda ay ku heyso xubnaha mucaaradka ee ay ku tuhunto inay taageero dhaqaale ka helaan Imaaraadka. Saamaynta lacagaha shisheeyee ay ku yeesheen siyasadda Somaaliya ayaa haa walaac in mudda ah taagnaa.

Balse hay’addu waxay hoosta ka xariiqaday in mucaaradka oo kali ah uusan lacagahaasi dalal shisheeye ka helin.

Dowladda ayaa loogu baaqay inay dhiirageliso la xisbaatanka oo iyadu qudheda ay shacabka la wadaagto lacagahaha ay dalalka shisheeye ka hesho.

Dhameystirka dastuurka

Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa dowladda ku dhiiragelisay inay si deg deg ah u dhameystirto dastuurka qabyada ah, kaaso qeexaya qaybsiga awooddaha iyo khayraadka dalka.

Qaabkii loo qeybsan lahaa kheyraadkan ayaa xudun u ahaa khilaaf marar badan soo kala dhexgalay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.

waxaa lagula taliyay dowladda inay sii ambaqaaddo wadahadalladii ay la gashay maamul goboleedyada bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii.

In Somaliland lala hadlo

Hay’adda xasradaha caalaamka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo inuu kulan la qaato madaxweynaha Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muusa Biixi si uu niyad wanaag ugu muujiyo.

Immaaraadka iyo Somaliland waxaa lagula taliyay madaxweynaha inuu joojiyo ishortaagga heshiiska dekedda Berbera ee ay DP world oo in muddo ah soo socday.

ICG ayaa dhinaca kale ugu baaqday quwadaha Khaliijka iyo Turkiga inaysan khilaafkooda u soo xawilin geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, maadma bay tiri aysan jirin cid ay arrintaa guul ka soo raaci doonto balse ay dhibaato un ku tahay shacabka Soomalaiyeed.

ISHA BBC