Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee (International Crisis Group – ICG) ayaa Khamiistii ka digtay in Soomaaliya ay dib u dhac kala kulmayso dagaalka muddada dheer ay kula jirtay Al-Shabaab. Kooxda ayaa samaysay horumar joogto ah sannadkan, xilli ay hoos u dhaceen ilaha dhaqaale ee muhiimka ahaa, isqabqabsiga siyaasadeedna uu hakiyey shaqadii dowladda.
Warbixin ay soo saartay ICG ayaa ku boorrisay saaxiibada caalamka in ay wax ka qabtaan farqiga sii kordhaya ee maalgelinta amniga. Caawimaaddaas la’aanteed, “Al-Shabaab waxay u badan tahay inay guulo kale gaari doonto,” ayey tiri.
Digniintan ayaa soo baxday toddobaadyo ka dib weerar 4-tii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, kaasoo muujiyey sida uu amnigu u jilicsan yahay. Dowladda ayaa sheegtay in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku labisnaa dareeska ciidanka ay isticmaaleen gaari lagu rinjiyeeyay midabka ciidanka si ay u galaan Godka Jilacow, oo ah xarun aad loo ilaaliyo oo ay leedahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA).
Ciidamada ammaanka ayaa dilay dhammaan toddobadii qof ee weerarka soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa soo afjaray bilo degganaansho ah oo ka jirtay caasimadda, wuxuuna caddeeyay in kooxdu ay weli awood u leedahay inay beegsato xarumaha muhiimka u ah dowladda.
ICG waxay sheegtay in guul-darrooyinka goobaha dagaalka iyo khaladaadka xeeladeed ay hadda isugu darsameen daal soo wajahay deeq-bixiyeyaasha, taasoo abuuraysa waji cusub oo khatar ah. Dhibaatadan ayaa sidoo kale halis ku ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo ah tiir-dhexaadka difaaca dalka.
Khatar xirfadeysan oo soo laba kaclaysay
ICG waxay sheegtay in kacdoonku uu “guulo joogto ah gaarayay dhowaanahan,” isagoo ka faa’iideysanaya fadhiidnimada dowladda, ciidan da’ yar oo aan si fiican u tababarnayn, iyo tabashooyin qabiil oo wiiqaya iskaashiga lagula dagaallamayo maleeshiyada.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka faa’iideysatay diiradda ay dowladda saartay doorasho lagu muransan yahay si ay u qaaddo weerarro waaweyn oo isku-dubbaridan sannadkii 2025.
Bishii Febraayo, kooxdu waxay dib ugu laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la wareegtay dhul ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed xulafadooda ah qabsadeen sannadihii 2022–2023.
Markii la gaaray bishii Luuliyo, maleeshiyadu waxay sidoo kale qabsadeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo gacanta dowladda ku jiray tan iyo 2014. Weerar kale oo barbar socday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, galbeedka Muqdisho, ayaa “kiciyay cabsi laga qabo in caasimaddu ay halis gasho.”
Weerarkii 4-tii Oktoobar ee lagu qaaday xarunta NISA wuxuu muujinayaa xeeladaha isbeddelaya ee kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in adeegsiga isku ekeysiinta ciidanka ay kashiftay dal-daloolo dhanka amniga magaalada ah. Dowladda ayaa markaas amartay in si adag loo kontoroolo gawaarida iyo hubka ciidanka. Awooddan ay kooxdu ugu dhaqaaqdo gudaha caasimadda ayaa hadda barbar socota guulaha ay ka gaarayso deegaannada miyiga ah.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ayaa markii dambe maleeshiyada dib uga riixay deegaanno qaar. Laakiin saadaashu weli waa mid mugdi ah. “Xaaladda Al-Shabaab ee goobta dagaalka ayaa ka wanaagsan sidii ay ahayd billowgii sannadka,” ayay qortay ICG.
Ilaha dhaqaalaha oo sii yaraanaya
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay “xiisaha sii yaraanaya ee saaxiibada shisheeye u hayaan Soomaaliya.” Waxay sheegtay in kaalmada Mareykanka ee barnaamijyada Soomaaliya ay ka soo degtay $770 milyan sannadkii 2024 illaa $150 milyan sannadkii 2025.
Deeq-bixiyeyaasha Yurub, ayay raacisay ICG, “waxay sidoo kale is-weydiinayaan in balaayiin doollar oo ay bixiyeen si wanaagsan loo adeegsaday, marka la eego fadhiidnimada joogtada ah ee dowladda.”
Ciriiriga dhaqaale wuxuu si gaar ah u saameeyay Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Ilaa hadda, wuxuu howlgalku isticmaalay kaliya 27 boqolkiiba miisaaniyaddiisa sannadka 2025 oo dhan $166 milyan. Midowga Yurub wuxuu bixinayay gunnada ciidamada “qiyaas ahaan €2.7 bilyan tan iyo 2007,” laakiin dhaqaalahaas “hoos ayuu u dhacayay sannad walba.”
Qorshe ay Qaramada Midoobay ku doonaysay inay lacag dheeraad ah ku bixiso sannadka 2025 ayaa istaagay ka dib markii Mareykanku uusan ku taageerin tallaabadaas Golaha Ammaanka.
ICG waxay sheegtay inaysan u badnayn in Midowga Afrika uu si buuxda oo kedis ah uga baxo dalka. Laakiin “hoos u dhaca miisaaniyadeed ee la filayo wuxuu wiiqi doonaa awoodda howlgalka.” Waxaa kale oo ay ku riixi kartaa Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku deeqay inay galaan “heshiisyo wax-is-dhaafsi ah,” kuwaasoo laga yaabo inay ka degganaansho yar yihiin nidaamka hadda jira.
ICG waxay ku boorrisay Midowga Yurub inuu si degdeg ah u xaqiijiyo maalgelinta AUSSOM ee sannadka 2025. Waxay sidoo kale ku baaqday in howlgallada tababarka ee Midowga Yurub ay ka caawiyaan ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan booliska dowlad-goboleedyada iyo cutubyada Daraawiishta, inay la wareegaan qeyb weyn oo ka mid ah culeyska amniga.
Haddii aan la helin taageero joogto ah oo dibadda ah, adkeysiga Al-Shabaab wuxuu sii wadi doonaa inuu halis geliyo guulaha jilicsan ee Soomaaliya.