Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed.
NIRA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan Oktoobar ee sanadkan qaadashada Kaarka uu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in khidmad-dhaafka Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu ku siman yahay dhammaadka bishaan, ayna fursad kooban u haystaan muwaadiniinta guud ahaan Soomaaliyeed.
“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow” ayaa warka qoraalka ah ee hasoo baxay NIRA.
Hay’addu ma sheegin inta ay la’eegtahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan haddii uu haleeli waayo waqtiga kooban ee ka haray muddada ay qabatay NIRA.
Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa muhiim ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.
“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ku dhawaaqay go’aanka lagu dhaqangelinayo kaarka NIRA.
Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka Qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

