ICG: Rajada cusub ee Somalia waxa ay halis ka wajaheysaa Ethiopia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa ka digtay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay halis gelin karaan rajada cusub ee usoo bidhaantay dadka Soomaaliyeed.

Warbixin ay kooxda saartay ayey ku sheegtay in damaca madaxweyne Farmaajo ee ah inuu is-beddel ku sameeyo siyaasadda arrimaha dibedda ay noqon doonto arrin adag oo caqabadeeda wadata, sababtuna ay tahay in guushiisii doorashada ay saldhig u ahayd ayada oo loo arkay waddani kasoo horjeeda faro-gelina shisheeye gaar ahaan dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Hadda oo uu madaxweyne yahay, ayey tiri warbixinta, wuxuu u baahnaan doonaa inuu si taxaddar leh u dhaqaaqo, una fahmo siyaasadda gobolka, isaga oo dejinaya walaacyada ay qabaan dalalka deriska ee awoodda badan, kuwaasi oo shaki ka qaba siyaasadihiisa.

Xiisadda sii kordheysa ee Ethiopia iyo Masar ee ku saabsan biyo xireenka ay Addis-Ababa ka sameyneyso webiga Nile, ayaa usoo gudbi karta Soomaaliya, taasi oo xaaladda kusii adkeyn karta Farmaajo, sida ay tiri warbixintan.

ICG ayaa sheegtay in sida deg degta leh ee dowladda Masar ay ugu soo dhowaatay madaxweyne Farmaajo ay sii kordhin doonto walaaca ay Ethiopia ka qabto saameynta sii kordheysa ee dalalka Carabta ee Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ka digtay in haddii Farmaajo uu qaato siyaasad la mid tii maxkamadaha Islaamiga ee ku dhisneyd isu soo celinta Soomaali weyn iyo naceybka Ethiopia, in Ethiopia ay ku dhaqaaqi doonto inay carqaladeyso maamulka cusub ee madaxweyne Farmaajo.

ICG ayaa ku talisay in madaxweyne Farmaajo uu si deggan u wajaho siyaasadda Ethiopia iyo Kenya, oo sidoo kale qabta walaacyo la mid ah kuwa Ethiopia, uuna u xaqiiyo in xasilooni ka dhalata Soomaaliya ay dan u tahay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah intaba.

Waxay warbixintu qirtay in madaxweynaha cusub uu ka warhayo walaacyada laga qabo, uuna durbadiiba ergo farriin sidda u diray Nairobi iyo Addis-Ababa, si uu ugu xaqiijiyo inaanu halis ku ahayn.

ICG ayaa tani ku macneysay tallaabo wanaagsan oo loo baahan yahay in la joogteeyo, islamarkaana ay beesha caalamka ku taageerto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com