27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Idaacad Muqdisho ku taal oo hal arrin darteed albaabada loogu laabay (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Idaacada Risaala Mudane Maxamed C/wahaab C/llaahi iyo Tifaftiraha Idaacada Risaala Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa lagu xeray Xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Labada Masuul ayaa duhurkii Maanta loogu yeeray iney yimaadaan Xarunta Wasaarada Amniga Qaranka ee Dowlada Soomaaliya ka dibna waxa loo wareejiyay Xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho halkaasi oo markii dambe lagu xeray.

Intaa kadib ayaa waxaa xarunta Idaacada gaaray Ciidamada Nabad sugida Sooomaaliya oo saacado ka hor watay Agaasimaha idaacadda Risaala Maxamed Cabdiwahaab Cabdulaahi Tafaftiraha idaacadda Risaala Maxamedkafi Sheekh Abuukar iyo mid ka mid ah wariyaasha idaacada oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali ayaa waxa ay Maamulka ku amreen ineey damiyaan idaacada guryahoodana ay kala aadaan.

Xariga Masuuliyiinta idaacadda iyo daminta idaacadda ayaa loo aaneynaya war shalay idaacadda ay tabisay oo ku saleysnaa Cudurka Ebola oo astaamihiisa lagu arkay Gobolada Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News