25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Siilaanyo oo wasiiro ku yeelanaya DF (Heshiis qarsoodi ah) + Magacyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray warsidaha African Intellegence, qodobbada madaxwyene Siilaanyo iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga wada hadleen shirkii Jabuuti, balse aan la shaacin waxaa ka mid ahaa sida wasiirro ka mid ahaa wasiirradii maamulka Siilaanyo uga mid noqon karaan dowladda uu ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid soo dhisi doono dhowaa.

Warsidaha ayaa warbixintiisa cinwaan uga dhigay “Mogadishu woos the Issaq”, wuxuuna lee yahay “The possibility that former Somaliland ministers might be in the next federal government in Mogadishu was on the agenda”

Warsidaha oo soo xiganaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Xubnaha loo badinayo iany ka mid noqdaan xukuumadda cusub ee Somalia ay ku jiraan:-

1 – Maxamed Cabdullaahi Cumar oo mar ahaa wasiirkii arrmaha dibedda ee Siilaanyo, dhowaanna, sida la sheegay, ku biiray dhexdhexaadiyayaasha Midowga Afrika.

2 – Maxamed Nuur Carreele ( Duur) oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Siilaanyo.

3 – Maxamed Jaamac ( Sifir) oo mar ahaa ra’iisal wasaare ku xigeenkii dowladdii ku meel gaarka ahayd, oo isna la filayo inuu dowladda cusub ka mid noqdo, sida warsidaha African Intellegence uu qoray.

Waxaa xusid mudan in maamulka Siilaanyo sheegtay inuu kaalin ku lahaa guushii madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2012-kii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Somalia ee uu ku guuleystay.

Haddii au dhacdo in qaar ka mid ah magacyada kor ku xusan ay ka mid noqdaan golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxa ay ka dhigan tahay inay aad usoo dhowaatay in Somaliland ka tanaasuleyso madax banaanida ay sheegatay.

Halkan hoose click si si aad u aragto warbixinta African Intelligence

 http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2015/01/02/mogadishu-woos-the-issaq,108054932-ART

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News