25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

BAN KI-MOON oo dalab la xiriira golaha wasiirada cusub u gudbiyey R/W CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa marka hore soo dhaweeyay soo magacaabistii ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo madaxweynaha Soomaaliya uu soo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014.

Ban ki-moon, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ay ka rajeynayaan in dumarka ay qeyb weyn ka noqdaan xukuumada cusub ee la filayo inuu soo dhiso Cumar C/rashiid Cali, ayna horay u socon doono xukuumadiisa.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loogu baaqay madaxda ugu sareyso dalka inay si wadajir ah isula shaqeeyaan, ayna la yimaadaan hab macquul ah oo siyaasadeed, sida afhayeenka uu sheegay.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay ka shaqeeyaan sidii gobolada dalka looga hergelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidoo dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka laga gaaray ay horseedayaan dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ay ku taageeri doonaan dhanka horumarinta nabad galyada, horumarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News