25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Shariif Xasan oo maanta magacaabay 20 wasiir + MAGACYADA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Munaasabad galabnimadii maanta ka dhacday Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia ayaa waxaa lagu magacaabay 20-Wasiiro oo uu yeelanaayo Maamulka.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan, oo sheegay in wasiiradaani ay dhameystir u yihiin Afartii wasiir ee horay loo magacaabay.

Magacaabista wasiirada kadib ayaa waxaa warfidiyeenada u akhriyay Siyaad Sheekh Cumaar Sheekh Daahir oo ah Afayeenka xukuumadda Koonfur Galbeed waxaana kamid ahaa wasiirada la magacaabay:-

1-Cabdifataax Geeseey : Wasiirka Amniga

2-Xasan xuseen maxamed : Wasiirka hub ka dhigis iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka

3-Saalim xaaji Xasan Cusmaan: Wasiirka Tamarta iyo Batroolka

4-Cabdiqaadir Shariif Sheekhuunaa : Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda

5-Cabdinaasir Cabdi Caruush : Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

6-Isaaq Cali Subad : Wasiirka Caafimaadka Caafimaadka

7-Salaad Maxamed Nuur Caliyoow : Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

8-Xasan Ibraahim Xasan : Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Tijnoolajiyada

9-Xasan Cabdi Maxamed : Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta bulshada

10-Maxamed Cumar Seytuun :Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

11-Cabdulaahi Cabdi Cumar Fanax : Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

12-Cabdullaahi Shekh Xasan : Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

13-Axmed Nuur sheikh maxamed Loxos : Wasiirka Dib u dajinta iyo Xiriirka jaaliyadaha

14-Cabduqaadir Nuur Carraale : Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka

15-Cumar Aadan Xasan : Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta

16-Macalin Maxamuud Maxamed (Macalin Jiis) : Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa

17-Axmed Maxamed Barre :Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

18-Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan : Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

19-Aadan Xasan Maxamed : Wasiirka : Macdanta iyo Biyaha

20-Cabdulaahi Muuse Abuukar : Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News