Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgarad, Culumaa udiin, siyaasiyiin,iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Surre oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Deefow iyo kabxanleey ee gobolka Hiiraan, oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay si kulul ay kaga hadleen dagaalada ka dhacay deegaanka deefow ee gobolka hiiraan.
Waxgaradka, odaqaasha dhaqanka iyo dhalinyarada, ayaa waxay eedeymo u jeediyeen masuuliyiinta dowladda federaalka Somaliya, oo ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sii Haayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre.
Waxaa xusid mudan in beel ka mid ah beelaha ku dagaalmay deegaanada Deefow iyo Kabxanleey ay gubeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah.
Afhayeenka dhalinyarada beesha Surre, ayaa kulanka kadib war saxaafadeed laga soo saaray u akriyay warbaahinta, wuxuuna yiri “Anagoo ah beesha Surre waxaan cambaareyneynaa dagaalka isir sifeynta ah ee lagu hayo beesheena dagta gobolka Hiiraan, gaar ahaan Kabxanleey iyo Deefow oo ay ku heyso beesha Xawaadle, oo ay dabada ka riixayaan masuuliyiinta dowlada federaalka sida Madaxweynaha dowladda iyo wasiirka arimaha gudaha ayna qayb ka yihiin masuuliyiinta gobolka hiiraan,waxaana dagaalkaas la ogyahay in ay ku geeriyoodeen saraakiil ciidan.”
Waxa kaloo uu yiti “Waxaan dhaliil u jeedineynaa Madaxweynaha dowladda, waxa uu adeegsaday awood Madaxweyne isla markaan hor istaagay go’aankii Ra’isal wasaarihii xilka ka dagay ee C/weli Sheekh Axmed Maxamed.”
Gabagabada kulanka, ayaa waxaa goobta ka hadlay Ugaaska beeesha Surre Ugaas C/raxmaan oo sheegay in wax walba oo ka dhacay deegaanada beesha ay dagto uu dusha u ridan doono Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaan u ah dowalda federaalka.
“Dadkeygii ayaa lumay, xoolahaygii ayaa lumay, wax walba oo dhacay waxaa masuul ka ah ninka la yiraahdo Xasan Sheekh Maxamuud, dalkaan asaa masuul ka ah isagaana wadankaan masuuliyadiisa qaaday, waxaan u sheegeynaa urur goboleedka IGAD iyo aduunweynaha,i n Madaxweyne Xasan naloo horgeeyo maxkamada dambiyada dagaalka ee The Hague, isaga ayaan u heysanaa dhibaatada shacabkeena loo geystay.”Ayuu yiri Ugaaska beesha Surre.
Kulankani ay yeesheen waxgaradka,culumaa’udiinka,iyo dhalinyarada ayaa waxa uu yimid kadib markii deegaanada dagaaladu ay ka dhaceen uu maanta booqasho ku tagay gudoomiyaha gobolka hiiraan,xilli dadka deegaanka ay halkaasi isaga barakaceen,taana ay umuuqato masuuliyiinta dowlada kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagu hayo shacabka ku nool deeganada Deefow iyo Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

