Muqdisho (Caasimada Online) Idaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhacday fadeexad weyn kadib markii Maamulka iyo wariye idaacadaas ka tirsan ay gabar wariye ah ku dhiira galiyeen inay ka duubaan muuqaal ku aadan in rag wariyaal ah ay kusfi kula dhaqaaqeen .
Gabadhan ayaa sheegtay in Agaasimaha Idaacada Shabeelle C/maalik uu siiyay qarash Wariye Maxamed Bashiir oo bahda Shabeelle ka mid ahna uu ka duubay muuqaal ku aadan iyadoo sheegaysa in kufsi loo geystay sida ay inoo xaqqiijiyeen saraakiil ku dhaw dhaw hey’ada dambi baarista ee CID-da oo iminka kiiskan la wareegtay .
Wararku waxa ay sheegayaan in heshiisku uusan ku jiran in Muuqaalkaasi lasoo dhigo barta intarnet-ka markii laga qaadayayna loo sheegay in loo dhiibayo dibada hey’ado jira si ay ugu doodaan .
Mahamad Bashiir oo Wariye Shabeele ka tirsan iyo gabadhan sheegtay in la kufsday ayaa la xiray shalay oo arbaco ku beegneyd.
Wariyaha ayaa lagu heystaa i inuu baahiyay Muuqaal aan wanaagsaneyn,sida laga soo xigtay Afhayeenka madaxtooyada Abdirahman Omar Osmaan, waxaana sidoo kale xabsiga la dhigay milkiilaha warbaahinta Shabeele,inkastoo markii danbe la sii daayay.
Bashiir iyo Gabdhaha dhibanaha hada xiran waxaana ku socda baaritaan iyo su’aalo weydiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Dowlada oo u waramay Al-Jazeera.
Muuqaal lagu daabacay Barta You Tubeka ayay ku muujisay Gabadha sida Afhayeenka sheegay in la Kufsaday,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku Boliiska ay xireen Eedeysanaha.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Gabadha kufsiga sheegatay iyo Eedeynaha ay ka soo muuqan doonaan Maxkamad maalmaha soo socda.
Wariye Cabdala Muumin oo ka mid ah wariyaasha Somalida ah ee wax ka qora arimaha Bini aadanimada ayaa sheegay in xitaa hadii kiiskan uu yahay mid jira ay qalad tahay in qof dhibane ah magaciisa iyo muuqiisaba la baahiyo sida anshaxa saxaafad uu qabo .
Kiisaska kufsiga ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Somalia waxaana madaxda dowlada Somalia ay dhowr jeer oo hore ku cel celiyen in arintan ay tahay mid ka bad badis ah sida wax loo buun buuniyana aysan u jirin.
Halkaan Hoose ka dhageyso Cabdala Muumin
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho