25.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 24, 2026

IGAD oo war kasoo saartay burburka wada-hadalladii Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD oo bayaan culus soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan burburka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

IGD ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed in tanaasul ay sameeyaan, isla markaana ay sii wadaan wada-hadallada, inta laga gaarayo xal buuxa.

Sidoo kale, qoraalkan oo uu soo saaray Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu soo dhaweynayo in guul laga gaaro wada-hadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka dalka, si looga gudbo khilaafka daba dheeraaday ee ka dhashay hannaanka doorashooyinka.

Horay, Midowga Yurub ayaa sidaan oo kale ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, ayna sii wadaan wada-hadalka, si xal loo gaaro.

Fashilka ku yimid wada-hadallada iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ayaa waxaa lagu sheegay in ay sabab u tahay in Golaha Mustaqbalka ay ku adkeysteen in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.

Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa ah in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News