Iibinta guryaha iyo dhulalka Muqdisho oo digniin culus laga soo saaray.

Nabadda kasoo bidhaantay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa keentay in magaalada dad badan ay ku qul qulaan, ayaga oo ka imanaya caalamka daafahiisa iyo gobollada kale ee Somalia.

Waxaa sare u kacay iibsiga dhulalka, guryaha, dhismaha iyo kirada guryaha, ayaga oo dad badan ay iibsanayaan guryo iyo dhismooyin lacag qaali ah lagu kala gadanayo.

Hase yeeshee waxaa taas daba socda in dad badan la siray oo laga iibiyay dhulal iyo guryo kuwa sheeganaya aysan lahayn, taasina ay keentay inay meel cidlo ah kusoo dhacaan markii dadkii dhabta u lahaa ay soo baxeen.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa haddaba arrintaas ka digay, waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan is waalin oo aysan qaadin duufaantan.

Maamulka waxa uu dadka iibsanaya iyo kuwa iibinayay guryaha ugu digay inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna ka war sugaan illaa maamulka si dhab ah uga sameynayo shaqaale iyo hay’ado awood u leh oo arrintan kala furdaamiya.

Waxa uu maamulka sheegay in ciddii iibsata guri aysan lahayn iyo kan iibiyayba ay xabsi geli doonaan, ayna usii dheer tahay in wixii lacag ah ee halkaas uga luma aysan dib u heli doonin, gurigana ay qaadan doonaan kuwii lahaa.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay in dadka iibsanaya guryo ay hubaan milkiyaddisa in ayaga xitaa ay dib u dhigaan, si maamulka awood ugu yeesho in iibsashadooda la sharciyeeyo.

Dad badan oo dhowaan kumanaan kun oo dollar guryo looga iibiyay ayaa meel cidlo ah kusoo dhacay, kadib markii ay caddaatay in dadka ka iibsaday ay wateen aysan ahayn kuwii dhab ahaan lahaa guriga.