25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Iiraan oo ku dhowaatay in ay khaarijiso Mike Pompeo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Iiraan ayaa ku sigatay inay si guul ah u khaarijiso xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee madaxweyne Donald Trump, Mike Pompeo, sannadkii 2022, sida lagu xusay buug cusub oo soo baxay.

Pompeo, oo ahaa xoghayihii 70-aad ee arrimaha dibedda ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2018 iyo 2021, ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil isagoo ku sugnaa hoteel ku yaalla magaalada Paris, sida lagu sheegay buugga 2024: Sida Trump ula Wareegay Aqalka Cad iyo Guuldarradii Dimoqraadiyiinta Ameerika oo ay qoreen Josh Dawsey, Tyler Pager iyo Isaac Arnsdorf.

Dhacdadan la tuhunsan yahay oo lagu faahfaahiyey buugga, oo ay heshay The Washington Post ka hor inta aan la daabicin bisha soo socota, ayaan hore loo shaacin.

Waxa uu buuggu sheegayaa in Iiraaniyiintu ay aqoonsadeen hoteelka uu Pompeo ka deggenaa Paris markii ay isku dayeen inay fuliyaan weerarka. Buuggu ma bixinayo tafaasiil intaas dhaafsiisan, marka laga reebo inay ku sigteen inay guulaystaan, sida ay qortay The Washington Post.

Buugga ayaa sidoo kale sheeganaya in Iiraaniyiintu ay isku dayeen inay dilaan saraakiil Maraykan ah ugu yaraan saddex jeer saddexdii sano ee ka horreysay inta uusan Trump ku guulaysan doorashadii 2024.

Qodob kale oo xasaasi ah oo buugga ku jira, oo aan hore loo tabin, ayaa ah in Iiraan ay qoratay kooxo dil fuliya oo ka hawlgala gudaha Maraykanka, waxaana sidaa u sheegay saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka kooxda ololaha Trump bishii September 2024.

Trump wuxuu bishii Janaayo laalay ilaaladii amniga ee Pompeo, iyo sidoo kale la-taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton. Pompeo ayaa la kulmay “hanjabaado la aamini karo oo halis ah” oo uga imanayey Iiraan, waxaana suuragal ahayd inuu galo xaalad ammaan darro ah haddii aan la ilaalin, sida uu xilligaas CNN u sheegay sarkaal hore oo aan la magacaabin oo ka tirsanaa sirdoonka.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Khamiistii ay weriyeyaashu weydiiyeen in Trump uu ka fekerayo inuu dib ugu soo celiyo ilaalada saraakiishii hore ee la soo deristay hanjabaadaha Iiraan, oo uu ku jiro Pompeo. “Arrintaasi hadda lama tixgelinayo,” ayay tiri Leavitt.

Pompeo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamulkii kowaad ee Trump isagoo qaabeeyey siyaasadda ku wajahan Iiraan, wuxuuna qayb ka ahaa amarkii madaxweynaha ee lagu dilay Qaasim Suleymaani, oo ahaa taliye sare oo ka tirsanaa militariga Iiraan.

Afhayeen u hadlay Pompeo ayaa diiday inuu ka hadlo buugga markii ay la xiriirtay The Washington Post. Buugga ayaa ku salaysan waraysiyo lala yeeshay boqollaal qof, oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Aqalka Cad, shaqaale sare oo ololaha Trump ka tirsan, iyo laamaha ammaanka.

Buuggiisii uu Pompeo soo saaray 2023-kii ee Never Give an Inch, wuxuu ku xusay hanjabaadaha “badan” ee isaga iyo qoyskiisu ay la kulmeen tan iyo markii uu xafiiska ka tegay.

“Inkastoo aan halkan lagu faahfaahin karin tafaasiisha, haddana Ameerikaan kale — qaar ka mid ahaa saraakiishii maamulka Trump, qaar ahaa hoggaamiyeyaal sare oo milateriga Maraykanka ah, iyo qaar kale oo ah muwaadiniin caadi ah — ayaa weli ku jira liiska dadka ay Iiraan doonayso inay disho,” ayuu Pompeo ku qoray.

“Waxa annaga iyo qoysaskeena sida weyn noo walaac gelinaya ayaa ah in ololaha dilalka ee Iiraan uusan lahayn taariikh uu ku eg yahay.”

Kashifaaddan ayaa imaanaysa xilli xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ay gaartay meel sare ka dib markii uu Trump oggolaaday duqeymo lala beegsado goobaha Nukliyeerka ee Iiraan toddobaadkii hore.

Maamulka Trump wuxuu rajaynayay in duqeymaha lala beegsado Iiraan ay ku qasbi doonaan dalkaas inuu aqbalo shuruudaha Maraykanka oo uu joojiyo tallaabooyinka uu ku doonayo inuu ku helo hubka nukliyeerka.

Laakiin baarlamaanka Iiraan ayaa Arbacadii u codeeyay in la dedejiyo hindise si wax ku ool ah u joojinaya iskaashiga lala yeesho Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (International Atomic Energy Agency), oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka.

Maraykanku wuxuu markii hore qorsheeyay inuu qabto wareeggii lixaad ee wada-xaajoodyada ka hor inta aysan Israa’iil bilaabin duqaymaha ka dhanka ah Iiraan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News