ILA TALI AQRISTE: “Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamij cusub oo aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark ala isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan aad ku darsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaada ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaa ama walaashaa. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada caasimada@live.com.

Talo doonka ugu horeeya ee barnaamijkan ILA TALI AQRISTE oo maanta nala soo xiriiraY waa gabar aan magaceeda kusoo koobeyno Ayaan, si aan u ilaalinayo Privacey-geeda oo joogtaa Seattle, Washington, USA.

Waxa ay qoraalkeeda usoo dhigtay sidan.

“Markii aan kow jeceylka u qaaday, waxaan aaminsanaa inaan qaatay go’aanka ugu wanaagsan nolosheyda, welina sidii ayaa aaminsanahay, hase yeeshee waxoogaa shaki ah ayaa nolosheeda hareeyay maalmahan.

Adduunka isaga ayaan ugu jeclahay, waa indhaheyga, nafteyda, dawadeyda iyo wax walba oo aan farxad ka heli karo, mase maleynayo in halka aan joogo uu isagana ila joogo.

Mar waxaan is iraahdaa adduunka adiga ayuu kuu jecel yahay, marna waxaan is iraahdaa inaad jirto iyo in kaleba kala ma oga, waayo waxaan arkay in si un uu igaga baxsanayo, haddana ii jaceyl gelinayo. Marka aan doonayo inana kulanno waxay igaga dhigan tahay wax aad u adag, oo 20 cudur ayaa kasoo sokeeya, marka aan teleefonkiisa waco, inta badan igama qabto, haddii uu iga qabtana, mashquul iyo si kasta oo uu hadalkeyga kaga baxsan karo ayuu sameeyaa.

Haddaan muddo sidaa ahaado, waxaan dareemaa inay tahay waqtigii aan nafteyda samir siin lahaa, balse iima suurta gasho. Markii aan is iraahdo faraha ka qaad oo ha wicin, oo aan wax ku dhow toddobaad ka aamusnaado, isaga ayaa isoo raadiya wuu I xaal mariyaa, wuxuuna igu beeraa jaceyl aan baaxadiisa qiyaasi karin. Arrintan hal mar ma aysan dhicin oo waa ay soo noq noqotay, waxaan qiyaasay in 6 jeer uu sidaas sameeyay, haddana mar walba aan samrayay.

Waxaan is weydiiyay sida uu iga damacsan yahay, mararka qaar waxaan is iraahdaa waa daacad, mararka qaarna wxaaan isu dareemaa inaan la heyste u ahay, oo uu doonayo inaan meel kale u weecan isgaana uusan dan iga lahayn.

Arrintan aad ayay u fikrisay maksaxdeyda, waxaan kala dooran la’ ahay inaan isga daayo iyo inaan si aan wax kusii wado, oo rajo ku nool ahaado, go’aan ahna waan qaadan wayayay ee ILA TALI AQRISTE