27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ilaalada Madaxweynaha oo gaaray Dhuusamareeb & Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku sii jeeda

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ilaalada madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyadoo hordhac u ah wafdiga madaxweynaha oo ku sii jeeda maanta halkaasi.

Ilaalada ayaa lagu hor istaagay degaanka Godinlabe markii maleeshiyo beeleed ay u diiday inay u gudbaan dhinaca Dhuusamareeb, laakiin waxaa markii dambe la xaliyay arrintan, iyadoo ilaalada ay gaareen iminka magaalada.

Dhinaca kale iyadoo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo laga sugayo magaalada ayaa waxaa iyana ku si jeeda Dhuusamareeb madaxda maamul goboleedyada dalka oo dhammaantood la filayo inay ka qeyb galaan munaasabadda midowga Galmudug iyo Ahlu suna.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku wada sugan ciidamada Ahlu suna, kuwa AMISOM iyo ilaalada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna la ciirciireysaa dadkii ugu badnaa ee u martiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News